4176 Views

Taliyeyaha Booliska, kan Nabadsugida iyo Wasiirka Amniga oo Baarlamaanka hor-tagaya

Taliyeyaha Booliska, kan Nabadsugida iyo Wasiirka Amniga oo Baarlamaanka hor-tagaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 1 March 2016: Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ayaa lagu wadaa inay maanta hor-tagaan Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo arrimaha amniga dalka oo beryihii u dambeeyay faraha ka sii baxayay.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo shir-gudoominayay kulankii shalay ayaa sheegay in Wasiirka iyo Taliyeyaasha ay Baarlamaanka hor imaan doonaan maanta oo Talaado ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la filayaa inay su’aalo weydiiyaan Wasiirka iyo labada Taliye, gaar ahaan dhanka amniga, waxaana doodii Xildhibaanada ee shalay aheyd mid xasaasi ah, iyagoo ka hadlayay xariga dadka loo geysto iyo sharciga la dagaalanka Argagixisada, in kastoo ad moodo in Barlamaanka howshiisa ay qabyo tahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa wali hor-yaala mooshin la xiriira Amniga, iyadoo 20-kii bishii hore Wasiirka iyo Labada Taliye ay ka baaqsadeen kulankii Baarlamaanka. Waxaa la maleeynayaa in sadaxda masu’l ay hortagaan Barlamaanka in kasto wax ay soo kordhin-doono an la ogeeyn

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment