3249 Views

Baarlamaanka oo maalintii labaad su’aalo weydiinayo R/Wasaaraha iyo Taliyaha Nabadsugida

Baarlamaanka oo maalintii labaad su’aalo weydiinayo R/Wasaaraha iyo Taliyaha Nabadsugida
____________________________________________________________________________

Muqdisho,3 March 2016: Waa maalinti labaad ee Xildhibaanada Baarlamaanka su’aalo weydiinayaan Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida, iyadoo kulanka uu albaabada u xiran yahay, warbaahintana ay wali dibad joog ka tahay, tan iyo shalay.

Kulankii shalay ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka waxay cod ugu qaadeen in Saxaafada dibada loo saaro iyo in kale, kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha uu dalbaday.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa diirada saarayay maalmihii u dambeeyay dooda la xiriirta xaalada ammaan ee dalka oo ay sheegeen inuu faraha ka baxay, laamaha ammaankana ay ku fashilmeen wax ka qabashada amnigaiyo ilaalinta shacbiga.

Illaa 54 Mudane oo shalay is qortay ayaa waxaa su’aalo weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida illaa 27 xildhibaan, waxaana maanta la sii ambaqaaday intii harsaneyd, kuwaasoo su’aalo weydiinaya, waxaana Guddoonka Baarlamaanka uu xildhibaan walba siinayay 5-daqiiqo oo su’aalo uu ku weydiinayo Mas’uuliyiinta.

Kulankii shalay oo ahaa mid aad u adkaa ayaa la isla gaaray illaa maqribkii, waxaana laga yaabaa in kulanka maanta uu sii dheeraado, waxaana goor sii horeysay loo baxay qado iyo salaadii duhurka aheyd, kadibna waa la isku soo laabtay.

Golaha shacabka amaankiisa ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xiran wadada hor marta Xarunta Golaha shacabka oo ka bilaabata agagaarka Tiyaatarka illaa Isgoyska Dabka, halkaasoo ciidamo isugu jira boolis, Nabadsugid iyo Booliska AMISOM ku sugan yihiin.

Weli lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Xildhibaanada marka uu soo gaba gaboobo dooda la xiriirta dhinaca amniga, sidoo kale waxaa soo baxayay warar sheegayay in Mooshin laga gudbiyay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka Jen. C/raxmaan Tuur Yare.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment