3804 Views

“Wadooyinka Muqdiaho la iskama xiran karo”

“Wadooyinka Muqdiaho la iskama xiran karo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,6 March 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la xiri karin wadooyinka Muqdisho iyo meelaha kale ee muhiimka ah, kadib markii ay soo bateen wadooyinka la iska xiranayo, marka ay wax dhacaan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin shaqsiyaad xiranaya wadooyinka, isla markaana uu maamulkiisa uu tallaab ka qaadi doono cidii wado xirato, magaalada dhaxdeeda.

“Markii ay wax dhacaan dadka waxay caadeysteen inay wadooyinka xirtaan, cid meeshey doonta iska xiran karto ma jirto, illaa Gobolka Banaadir ka og yahay, ama fasax looga qaadanayo, waa in degmooyinkana ay kormeeraan meelaha la xirto”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in amniga magaalada ay mas’uul ka yihiin, isla markaana si dhow amniga ugala shaqeyn doonaan bulshada ku nool gobolka iyo hey’adaha amniga.

Dhowaan ayay aheyd markii la shaaciyay in ammaanka Muqdisho lagu wareejinayo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska si toos loo hoos-geeyay Guddoomiyaha Gobolka, wixii hada ka dambeeyana ay ku shaqeyn doonaan amarka Gudoomiyaha.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment