3540 Views

Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha Qaranka

Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in uu meel wanaagsan marayo qorshaha Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho,30 March 2016: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan uu u maraayo sameynta qorshaha Qaran ee dalka oo muddo ka badan 30 sano Soomaaliya ka maqnaa,

Prof Qaloocoow ayaa tilmaamay in sameynta qorshahaan Qaran uu yahay mid laga talagalinayo qaybaha bulshada si aragtiyadooda loogu biiriyo sameynta qorshahan Qaran kaas oo 3 sano ee soo socota ay howshiisu socon doonto.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow ayaa dhanka kale tilmaamay in qorshahaan Qaran uu fursad siinayo dhallinyarada shaqa la’aantu hayso, maadaama wax walbaa lagu jaangoynayo hadba mudnaanta uu u leeyahay bulshada, dhalinyaraduna uu kaalintooda siin doono.

Ugu dambeyn Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Qaloocoow ayaa raja wanaagsan ka muujiyay Wasaarad ahaan in lagu guuleysan doono qorshahaan Qaran ee ay hada Wasaaraddu ku howlan tahay.

Qorshahaan Qaran ee ay Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ku howlan tahay ayaa ah nidaam caalami ah oo u eg hab miisaaniyadeedka la dajiyo, maadaama loo qorsheynayo hadba sida ay u kala mudan yihiin baahiyaha ay bulshadu qabto, waana qorshe loo dhigayo mustaqbalka dhaw iyo midka fog u diyaarsanaantiisa.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment