6132 Views

MAXAA KA DHAQAN GALAY AMARKII GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR?

MAXAA KA DHAQAN GALAY AMARKII GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR?
____________________________________________________________________________

SHARCI WAA KU DHAWAAQID IYO FULIN EE YAA HORTAAGAN IN UU DHAQAN GALO?

Muqdisho | QOL | April 12, 2016 – Sida lawada ogyahay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, YUSUF X. JIMCAALE wuxuu soo saaray Amar ah in mudo 3 maalmood gudahood loogu sameeyo Aqoonsi TAARGO gawaarida aan lahayn aqoonsi ama Sumad.

Sida uu sheegay Gudoomiyaha waxaa laga qaadi doonaa TALAABO SHARCI ah cidii aan u hogaansamin Amarkiisa, waana arin wax wayn katari doonto sugida Amaanka, hadii ay Hirgasho.

Hadaba waxaa is waydiin mudan Ma loo hogaansamay amarkii Duqa Magaalada?, mase weli waa laga Leexlexanayaa, waayo Amarkan wuxuu si Toos ah u taabanayaa Shaqsiyaad Caqabad wayn ku ah SUGIDA AMAANKA Muqdisho.

Waxaa Xaqiiq ah, hadii Duqa Magaalada uu wax ka qabto laba shay sida ugu DHAQSAHA badan waxaa isbedel laga dareemayaa Amniga Caasidmada, waxayna kala yihiin.

  • In sumad loo sameeyo Gawaarida aan lahayn Sumad Aqoonsi, iyadoo aan la kala soocin dadka.
  • In Magaalada laga MAMNUUCO Gawaarida Muraayadaha Madow ee inta badan loo adeegsado falal dambiyeedka ka dhaca Caasimada.

War iyo dhamaan Shacabka ku nool Muqdisho waxay ka war sugayaan sida loo dar dar geliyo Amarkii ka soo baxay Duqa Magaalada Muqdisho iyo sida ugu fiican ee loo sugi lahaa Amaanka Caasimada, waayo Somaalidu waxay tiraahdaa “Nabad la’aan waa Nolol la’aan”.

Waana waajib saaran Masuuliyiinta Gobolka sidii loo sugi lahaa Amniga iyo ilaalinta Sharafta iyo Karaamada Shacabka ku nool Caasimada, dhibkasta oo laga maro ama dhaqaala kasta oo ku baxa Amnigu waa Furaha Nolosha wanaagsan.

 

 

.

Qararanimo Online | Muqdisho

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment