3075 Views

Labo qof oo lagu dilay degmada Boondheer ee magaalada Muqdisho

Labo qof oo lagu dilay degmada Boondheer ee magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 18, 2016: Wararkana soo gaaray, ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari marayay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ayna ku dileen labo ruux oo saarnaa gaarigaas.

Waxaa kale oo la sheegayaan  in gaariga rasaasta lagu furay ay ku dhinteen labo ruux oo mid kamid ah uu ahaa darawalkii waday gaariga guddoomiyaha degmada Boondheere  halka qofka kalana uu ahaa qof saarnaa gaarigaas.

Waxaa dhacay in gaarigii ay wateen dadkii weerarka geystey iyo ciidamada amniga ayaa isku baacsaday wadooyinka degmada Boondheere iyo Yaaqshiid, waxaana la dilay mid kamid ah dadkii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday gaariga guddoomiyaha Boondheere.

Kooxdi gaariga wadatay, ayaa la sheegay in ay ka degeen iyagoo ka cararayhasa ahaatee gaari ay uga carareen meel ku dhow Suuq Bacaad ayaa ku qarxayhalki ay uga degeen.

Cid wax ku noqotay qarax gaariga, ilaa hadda lama sheegin, balse dadka qaar ayaa sheegay in kooxdi wadatay gaariga ay agana isku qarxiyeen gaariga oo ay ku dhinteen.

Si kastaba ha ahaatee, cid sheegatay falkaas ma jirto lamana oga sababti ka dambeeysay qarax iyo dilki ka dhacay Bondheere.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment