4347 Views

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay magaalada New York ee dalka Mareykanka

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay magaalada New York ee dalka Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 19, 2016: Wafdi uu hogaaminayay mudane Xasan Sheekh Max’uud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa garaay magaalada New York , ayadoo si weyn loo soo dhaweeyey.

Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ayaa soo dhaweyeey wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee gaaray dalka Mareykanka.

Ujeedada socdaalka Madaxweynaha ayaa laxiriirta ka qeyb galka shirka ay isugu imaanayaa madax kala duwan ooo ka kala socota dowladaha caalamka, kaasi oo looga hadlay sidii la isaga kaashan karo isbedelada ku yimaada cimilada dunida iyo sida loo wajahayo.

Afhayeenka madaxtooyada Qaranka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta Qaranka u sheegey in shirkan dhawaan ka furmaya dalka Mareykanka oo ku saabsan isbedelka cimilada.

Inta Madaxweynah iyo wefdigiisa ay joogaan dalka Mareykanka, waxaya kulamo kala duwan la yeelan doonaan qaar ka mid ah madaxda caalamka oo ka soo qeybgalysa shirka, waxaana la filayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si weyn uga hadlo marxalada haatan uu marayo dalka iyo guulaha ay gaartay dowladdaSoomaaliya.

Wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirkii hogaamiyaasha Africa oo lagu qabtay dalka Ethiopia, kaasi oo looga hadlayay arrimo la xiriira kaalinta Africa ee amniga caalamka.

MG_1481_1

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment