4113 Views

Ruushka oo hub ka iibinayo Soomaaliya, haddi cunaqabateynta laga qaado

Ruushka oo hub ka iibinayo Soomaaliya, haddi cunaqabateynta laga qaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 21, 2016Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay hub ka iibin doonto dowladda Soomaaliya, markii laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran.

Wakaalada wararka ee RIA oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Milateriga Ruushka, ayaa sheegay in hub ka iibin doonaan Soomaaliya, hadii codsigooda uu noqdo mid sax ah oo huban.

“Ruushka wuxuu diyaar u yahay in codsiyada hubka uga imaanaya dhamaan wadamada oo dhan, oo ay ku jirto Soomaaliya, hadii la qaado cunaqabateynta Hubka”sidaa waxaa yiri Sarkaal ka tirsan RIA.

Sergie Lavrov oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergie Lavrov ayaa kula kulmay magaalada Moscow Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga amniga, xiriirka labada dal iyo farsamada dhinaca milateriga oo ay ku jirto qalabeynta ciidamada Soomaaliya

Ruushka ayaa ah dalka kaliya ee hubka ugu badan ka iibiya wadamada ku yaala Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, waxaana horay u jiray xiriir u dhaxeeyay dowladdii hore ee Soomaaliya iyo Midowgii Soviet ay Soomaaliya ka iibsan jirtay, xariirkaas o xumaadaywixi ka dambeeyay 1977ki.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment