3852 Views

Ceydiid Ilka-Xanaf oo xillka laga qaaday (Akhriso Digreetada)

Ceydiid Ilka-Xanaf oo xillka laga qaaday (Akhriso Digreetada)
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 4, 2016Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa goor dhow xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Avv Ceydiid Cabdullaahi Ilka-Xanaf, kadib digreeto laga soo saaray Xafiiska M/weynaha.

Madaxweynaha ayaa Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka u magacaabay Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Xil ka qaadistan ayaa ku soo aadeysa, waqti lagu guda jiro xilli kala guur ah, isla markaana Dowladda Federaalka ay muddo saddex bilood waqtigeeda u harsan yahay.

Avv, Ceydiid Cabdullaahi Ilka-Xanaf ayaa waxaa horay u magacaabay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Sheekh Shariif.

Akhri Digreetada uu soo saaray Madaxweynaha ee xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sarre iyo magacaabista Guddoomiyaha cusub.

XIL-KA FARIISIN IYO MAGACAABIDA
GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE

MADAXWEYNAHA J. F. S.

MARKUU ARKAY: Qodobbada 4aad iyo 87aad, 116aad, 108aad iyo 139aad ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah;

MARKUU ARKAY: Qodobbada 5aad, 16aad, 23aad iyo 31aad, ee Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3 ee soo baxday 12 Juunyo 1962;

MARKUU ARKAY: Qodobka 21aad ee Sharciga Nidaamka Garsoorka lambar 3, soona baxay 12 Juunyo 1962; si cadna u qeexayo in magacaabid khaas ah lagu magacaabi karo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare;

MARKUU ARKAY: Bedalidii Sharciga Nidaamka Xukuumadda Sharci lambar 14 /1962 ee ku soo baxay Qodobka 7aad ee Sharci lambar 1 ee soo baxay 3 Febaraayo 1965

MARKUU ARKAY: Xeer Madaxweynaha Lambar 8 ee 11/03/2015, kuna saabsanaa kala dirista Golaha Adeega Garsoorka xilka hayey muddadii ku-meel gaarka si wafaqsaneyn Dastuurka Kumeel gaarka ah;

MARKUU ARKAY: Shuruudaha Magacaabista ee ku xusan Qod. 8aad Sharciga Dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka ee ku soo baxay faafinta rasmiga 30 Juun 2014;

MARKUU TIXGELIYAY: Cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xiriirta Garsoorka iyo caddaalad darrada baahsan ee ka jirta hay’adaha Garsoorka, ayna lagama maarmaan tahay in wax laga qabto;

MARKUU GAROWSADAY: In xilkaasi uusan sharcigu oggoleyn in Qof da’diisu ka badan tahay 65 sano uu hayo;

MARKUU GAROWSADAY: Iney dhammaatay muddadii sharcigu oggolaa in xilalkaa ay hayn karaan Guddoomiyaha iyo Garsooreyaasha Maxkamaddaha Sare iyo Racfaanka,

MARKUU GAROWSADAY: Inuu sharcigu farayo in shaqada laga fariisiyo, Garsooreyaasha da’doodu dhaafsiisan tahay 65 Sano, maadaama ay iskood uga fariisan waayeen.

MARKUU XAQIIQSADAY: Jiritaanka khaladaad sharci oo xad dhaaf ah, ayna ku sifoobeen ku tumashada sharciga, lagama maarmaana tahay in la saxo;

MARKUU TIXGELIYEY: Cabashada Garsooreyaasha, howl-wadeenada Garsoorka, Xirfadlayaasha sharciga iyo mida dadweynaha;

MARKUU TIXGELIYEY: In xil gudashada Maxkamadaha Dalka, looga baahan yahay hawl-karnimo, daacad iyo hufnaan, iyo in xil haynta Garsooreyaasha Sare ay waafaqsan tahay sharciga iyo dhowrista Mabaadi’da Cadaaladda;

MARKUU TIXGELIYEY: In ay lagama maarmaan tahay in xilalka loo magacaabo Garsooreyaal xag da’a iyo aqoon ahaanba u qalma si waafaqsan sharciga, lehna hawl-karnimo wax ku ool ah oo lagu saxo cabashooyinka caddaalad darrada joogtada ah ee ka imaaneysa Muwaadiniinta Soomaaliyeed;

WUXUU XEERIYEY

Qod. 1aad

1. Laga billaabo taariikhda uu Madaxweynaha Saxiixo Xeerkaan, waxaa laga fariisiyay shaqadii garsoor:

B. Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf oo 81 jir ah;

T. Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Benaadir Xasan Maxamed Cali oo 73 jir ah;

2. Waxaana loo magacaabay xilka Guddomiyaha Maxkamadda Sare
Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan

3 Xilka Bannaan ee Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Benaadir, waxaa si ku meel gaar ah u sii haynaya Garsooraha ugu darajada Sareeya oo sharci ahaan xilkaas qaban kara, ilaa laga macaabayo Guddoomiyanimada Maxkamadda Racfaanka Gobolka Benaadir;

4. Dhaqan gelinta howlgabka sharciga ah ee khuseeya garsoorayaasha gaaray da’da howlgabka sharciga ah waxaa fulinaaya Gudoomiyaha Maxkamadda sare si waafaqsan shuruucda Dalka u degsan

Qod. 2aad

Xukuumadda iyo Golaha Shacabka waxaa la faraayaa iney si deg deg ah u dhameystiraan Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Ku Meel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka;

Qod. 3aad

Xeerkaan wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment