2883 Views

Kenya oo Xafiisyo Qunsiliyadeed ka furanayso Kismaayo iyo meela kale.

Kenya oo Xafiisyo Qunsiliyadeed ka furanayso Kismaayo iyo meela kale.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 5, 2016Dowladda Kenya ayaa sheegtay in bisha July ee Sannadkaan ay Qunsuliyado ka furanayso Magaalooyinka Kismaayo, Garoowe, Baydhabo iyo Hargeysa. Warkaan waxaa shaaciyay safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho .

Sidoo kale, Danjire Tumbo wuxuu sheegay in Qunsuliyadahan ay noqon doonaan kuwa loogu adeego muwaadiniinta Kenya ee ku nool gudaha Soomaaliya kuwaasoo tiradooda uu ku sheegay 20-kun kana shaqeeyaan meelo kala duwan oo Muqdisho ah.

Wuxuu sheegay in Xaaladda Amni ee Soomaaliya ay soo hagaagayso, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta Kenya inay yimaadan Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan fursadaha ka jira ee dhanka shaqooyinka ah.

Ugu dambeyn, Dalka Soomaaliya waxaa la sheegaa inay ku sugan yihiin shaqaale badan oo u dhashay Dalka Kenya, kuwaasoo ka shaqeeya Hay’adaha Samafalka, hoteellada iyo dhismayaal kale, balse dal ay muwaadiniintiisa qeyb ahaan ay shaqo la’yihiin ayaa muwaadiniin kale loogu wacayaa inay ka shaqeystaan. Arrintaas oo sannadahaan socday ayaa dadka qaar la yaabanyihiin. Markad u fiirsato sharikadaha Ajnabiga ah ee la siiyay Dakada, Aiporka iyo meela kale, waxad ogaaneysaa, in wadanka adan qayb weyn ku lahayn.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment