4017 Views

Garsoorayaal soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista

Garsoorayaal soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha ee xil ka qaadista
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 6, 2016: Shir ay maanta yeesheen  xubno ka tirsan Garsoorka dalka  ayaa waxaa ka qeyb galay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Benaadir Xaashi Cilmi Nuur, Qareenno iyo garsoorayaal, waxaana lagu soo dhaweeyay go’ankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka iyo Guddoomiyihii racfaanka ee maxkamadda gobolka benaadir.

Luul Maxamed Taabit oo ah xubin ka tirsan garsoorka dalka oo kulanka hadal kooban ka jeedisay ayaa tilmaamtay in xilka ka qaadista guddoomiyihii hore ay ku timid da’a, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan guddoonka cusub.

“Degteerada uu soo saaray Madaxweynaha ee uu xilka kaga qaaday da’ahaan waan soo dhaweyneynaa, waxaana diyaar u nahay garsoor ahaan inaan la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub”ayay tiri Luul.

Dr Xasan Maxamed Cali Wariiri oo ahaa guddoomiyihii racfaanka ee Maxkamadda gobolka benaadir ee shalay xilka laga qaaday ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha

“Waxaan ku faraxsanahay, oo aan ayidsanahay go’aankii Madaxweynaha, maadaama uu yahay Madaxweynaha dalka, sidaas darteed wax kale oo aan sheego ma hayo oo aan ka ahayn inaan ayido go’aankaas”ayuu yiri Xasan.

Dr Maxamed Maxamuud Maxamed Guddoomiye ku-xigeenka maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aankii Madaxweynaha dalka, ayna la shaqeyn doonaan guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare.

“Waxaan isugu nimid inaan ayidno, oo aan aqoonsano go’aankii Madaxweynaha, kaasi oo ahaa xilka qaadista guddoomiyihii hore ee Maxkamadda, isla markaana aan ku soo dhaweyno guddoomiyaha cusub o qeyb ka ah dar dargelinta howlaha garsoorka, waana la shaqeyneynaa”

Kulankan ayaa imaanaya xilli ay maalini Arbacada degreeto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha dalka xilkii looga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo Guddoomiyihii racfaanka ee Maxkamadda gobolka benaadir.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment