3636 Views

Mar kale, Kun Qof Tahriibayaal Ah Oo La Badbaadiyey

Mar kale, Kun Qof Tahriibayaal Ah Oo La Badbaadiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 14, 2016: Ciidamada dalka Talyaaniga u qaabilsan ilaalinta xeebaha ayaa badbaadiye1000 qof oo saarnaa Laba doonyo kuwaasi oo naftooda halis ku jirtay. Dadkaan ayaa laga badbaadiyey badda Mediterranean waxaana ay kasoo amba baxeen dalka Masar. Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR, ayaa sheegtay in dadkani ay u badan yihiin wadamada Siiriya iyo Ciraaq, sidoo kalena waxaa ku jira dad Soomaali ah in kastoo an tiradooda la ogayn.

Dadkani dhammaantood ayaa la geeyay Afar goobood oo UNHCR iyo dowladda Talyaaniga ugu talagaleen in lagu xanaaneeyo Tahriibayaasha sidan oo kale ah. Afhayeen u hadlay UNHCR ayaa sheegay in sidoo kale dalka Liibiya ay kasoo baxday doon kale oo ay la socdaan dad ku dhaw 500 kuwaasi oo iyaguna weli kusoo dhawaan biyaha Talyaaniga.

Tahriibayashaan ayaa qeyb ka ah qar badan oo maalmahan dambe ka gudbaya Biyaha Masar iyaga oo doonaya Yurub inay Tahriib ku galaan ayaga oo an ka fikir dhibaata ka sokaysa.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment