3084 Views

“Doorashada ka hor waa in Al-Shabaab laga saaraa, meelaha ay ku sugan yihiin”

“Doorashada ka hor waa in Al-Shabaab laga saaraa, meelaha ay ku sugan yihiin”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 15, 2016: Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, ayaa ugu baaqay ciidanka xoogga dalka iyo AMISOM in la dadajiyaan howl galada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada uu ka arrimiyo maamulkiisa.

Shariif Xasan ayaa sheegay inay muhiim tahay in ka hor doorashada in howl galada dalka ka socda la xoojiyo, si loo wiiqo Al-Shabaab, loogana saaro meelaha ay ka taliyaan gobolada dalka.

“Waa muhiim in doorashada ka hor Al-Shabaab laga saaro meelaha ay ka joogaan K/Galbeed, ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM waa in ay dadajiyaan howlgalada oo Al-shabaab ay wiiqaan awoodooda”ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan Sheakh Aadan.

Ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ayaa maalmahan howl galo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobolada Shabeellaha Hoose, Bakool iyo Shabeellaha Dhexe, inkastoo la dhaliilay qaabka howl galadu u socdaan.

Hanaanka doorasho ee sanadkan 2016 ka dhacaya dalka ayaa meelaha loo qorsheeyay ayaa waxaa ka mid ah Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Garowe iyo Cadaado, halkaasoo laga soo xuli doono Labada Aqal ee Baarlamaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment