4524 Views

Dabageed Oo Ku Dhowaaqay In Xaalad Adag Ay Ka Jirto Baladweyne.

Dabageed Oo Ku Dhowaaqay In Xaalad Adag Ay Ka Jirto Baladweyne.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 20, 2016: Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ku sheegay in magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ay ka taagan tahay xaalad adag oo halis ah kuna wajahan dhanka nolosha. Gudoomiyaha oo la hadlayey mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayuu sheegay in shacabka ku dhaqan magaaladaasi ay isugu darsameen biyo fatahaad ah iyo sidoo kale colaado oo dadki laba dhinac ay dhibaato ka haysato.

Dabageed waxa uu sheegay in hadda colaaddii xalkeeda la raadinayo balse halista ugu daran ay tahay dhanka fatahaadda oo magaalada oo dhan saameysay. Waxa uu sheegay in guud ahaan magaalada Baladweyne uu ku fatahay Wabiga islamarkaana magaalada ay tahay mid aan is wada dhaamin.

Gudoomiya ayaa Hay’adaha samafalka ugu baaqay inay u gurmadaan shacabka Baladweyne gaar ahaan kuwa magaalada bannaankeeda ku barakacay. Wabiga Shabelle ayaa fatahaad ku sameeyay magaalada Baladweyne, dhinaca kalena waxaa magaaladaasi ka jira dagaallo u dhaxeeya Maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan oo beryaan socday.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment