3045 Views

Talyaaniga oo ka qeyb qaadanaya dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Talyaaniga oo ka qeyb qaadanaya dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 25, 2016: Dowladda Talyaaniga ayaa qalab ciidan siisay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo qalabkan uu ka qmid yahay, tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Booliska.

Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyay uu Booliska Soomaaliyeed ku tallaabsanayay horumaro kala duwan, isla markaana ay dib u soo celiyeen xiriirkii Caalamka.

Jeneraalka ayaa dowladda Talyaaniga uga mahad celiyay doorkooda ku aadan horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isagoo xusay in qalabkan ciidanka loogu tala galay uu ka mid yahay qalabki ugu horeeyay ee Talyaaniga ugu deeqay Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in qalabkan ay ku howl galayaan Ciidamo horay Talyaaniga ugu soo tababaray dalka Jabuuti, waxaana uu intaa ku daray inay xoogga saarayaan sidii loo horumarin lahaa ciidanka booliska Soomaaliyeed meel kasta ee uu joogo.

Safiirka Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya ayaa shalay ku wareejiyay Taliska Booliska Soomaaliyeed qalab ciidan oo loogu tala galay inay ku howl galaan, si ay u xaqiijiyaan howlaha amni ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, taas oo ay waajib ku tahay in ay gutaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment