3936 Views

WFP Raashiinkeedu Waa Nadiif

WFP Raashiinkeedu Waa Nadiif
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 21, 2016: Guddigii ay dowladdu u saartay baarintaanka Raashiin lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta soo bandhigay war-saxaafadeed ku aaddan in Rashiinkii la qabtay ay lahayd hey’adda WFP.

Guddiga ay dowladdu u saartay baaritaanka Raashiin dhacay oo lagu qabtay garoonka Muqdisho 17-kii May iyo 14-kii June ee sanndkaan, kaas oo ay ku wada jiraan wasaaradda Arrimaha, Gudaha Xeer ilaaliyaha Qaranka, Wasaaradda Beeraha iyo taliska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, ayaa kormeerro ay ugu kuurgalayeen xaaladda keydka hey’adda WFP ee magaalada Muqdisho, si ay u xaqiijiyaan eedeyn loo jeediyey hey’addaasi.

“Guddiga oo si taxadar leh u fulinaya howshii ay Xukuumaddu u xil saartay, ayaa kormeerray keydka ay hey’adda WFP ku leedahay Dakedda Muqdisho, halkaas oo lagu hubiyey Raashiinka ku keydsan, iyadoo raashiinkaasi la xaqiijiyey in uu yahay midka wax soo saarka Soomaaliya oo laga iibiyey Beeraleyda Soomaaliyeed, tayadiisuna ay aad u wanaagsan yahay, guddiga xaqiijinaya in Keydkaasi dhammaan raashiinka ku jira uu yahay in wanaagsan”.

Sidoo kale guddiga ayaa kormeerray Raashiin ku jira Koteennaro yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo qaarkood ay wasakheeyeen roobabkii da’dayey maalmahan, hasa yeeshee Tayo ahaan aad u wanaagsan.

Guddiga, ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinaya in raashiinka magaalada Muqdisho hey’adda WFP in uu yahay mid wanaagsan oo ka madax bannaan eedeymaha loo jeediyey.

Gudiiga ma aysan sheegin ciddi iska lahayd raashinki Airporka lagu qabtay oo ay Calaamadda WFP, ku qornayd. Dadka qaar ayaa u qaatay in farsamooyin kale ay jiraan kuwaas oo ka dhaxeeya WFP iyo Guddiga loo diray in wax soo baaran. Si kastaba ha ahaatee Shacabka ayaa shaki ka qabo baaritaankaas iyo sida uu u dhacay.

00120032

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment