12096 Views

Jadwalka Doorashada Soomaaliya 2016

Jadwalka Doorashada Soomaaliya 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 25 June 2016 | Qorshaha Hirgelinta iyo Jadwal Waqtiyeedka

 

26-29 – Ka June Tababarka guddiga GFHDD iyo GDGHDD IESG (UN)

30-ka June Guddiyada GFHDD iyo GDGHDD ayaa billaabaya wacyigelinta dadweynaha ololaha doorashooyinka 2016.

8-da July Guddiyada SEITs ayaa laamaha fulinta dowlad goboleedyada federaalka ugu yeeraya inay murashaxiin u soo magacaabaan Aqalka Sare. `

8-da July Guddiga GDGHDD ayaa Odey Dhaqameedyada ugu yeeraya inay soo xulaan ergooyinka doorashada. GDGHDD Soo gudbinta/magaacibadda murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare.

Laamaha Fulinta ee Dowlad Goboleedyada

9-10-ka July: Guddiyada GDGHDD ayaa diwaangalinaya xubnaha murashaxiinta ee u tartamaya Aqalka Sare. GDGHDD

10-13 Ka July Odey dhaqameedyada waxay diyaarinayaan liiska ergooyinka cod bixiyeyaasha ayagoo tix gelinaya kuraasta sida gaarka ah loogu asteeyay ee loo qoondeeyay haweenka iyadoo la raacayo habka ay ogolaatay Madasha Hogaanka Qaran (ugu yaraan 30% Aqalka Hoose). Odayaasha Dhaqanka

10-ka July Dejinta habraac iyo arrimo farsamo (oo ay ka midyihiin shuruudaha murashaxmimada, diiwaangelinta murashaxiinta, xarumaha codbixinta, waraaqaha codeynta, kormeerka doorashada, wacyigelinta dadweynaha iyo ololaha).

14-15 ka July: Dhegeysiga khudbadha murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare. Baarlamaanada Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka

15-ka July Kulanka Madasha Hogaanka Qaran ee lagu oggolaado:

• Liiska faahfaahsan ee 30% kuraasta qoondada haweenka •

Arrimaha kale ee la ogaado una baahan ka doodidda/go’aanka Madasha Hoggaanka Qaran. MHQ LUULYO (Ramadaan/ Ciid)
1-16-ka July Soo xulidda ergooyinka doorashada Odayaasha Dhaqanka

16ka July Soo gudbinta iyo hubinta liiska kama dambeeysta ah ee ergooyinka Odayaasha Dhaqanka Iyo GDGHDD

16-23-ka July Guddiyada GDGHDD ayaa dib u eegid ku sameynaya qaybaha ay ka kooban yihiin ergooyinka doorashada kana eegaya in loo wada dhanyahay (dhallinyarada, bulshada rayidka, ugu yaraan 30% haween ah) GDGHDD

16-19 ka July: Daabacidda waraaqaha codeynta Aqalka Sare iyo ogolaansho la siiyo goobjoogayaasha hanaanka codeynta iyo tirinta codadka. Baralamaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka

20-ka July: Codeynta Aqalka Sare (oo hal maalin kawada dhacaysa dalka), oo ay ku xigto tirinta iyo isu geynta codadka, ansaxinta iyo ku dhawaaqidda natiijada iyo saxiixidda liiska rasmiga ah ee xubnaha la doortay ee Aqalka Sare. Baralamaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka

27 July: Doorashada godoonka aqalka sare ee baarlamaanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka

22-30-ka July Asteynta iyo diyaarinta xarumaha codeynta doorashada Aqalka Hoose ee ku yaalla caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka iyo magaalada Muqdisho.

25-ka July Xubnaha ergooyinka doorashada ayaa lagu wargelinayaa in la soo xulay waxaana loogu yeerayaa inay ka qaybqaataan codeynta kuraasta Aqalka Hoose.

GDGHDD AGOOSTO 2016 2-7 August: Daabacidda waraaqaha codeynta Aqalka Hoose iyo bixinta ogolaansho la siiyo goobjoogayaasha hanaanka codeynta iyo tirinta codadka.

GFHDD 7-12-ka August: Imaanshaha iyo Wacyigelinta ergooyinka codeynaya , soo jeedinta khudbadaha murashaxiinta u tartamaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka

GDGHDD 13-20-ka August:

U codeynta Aqalka Hoose (oo isla maalin ka dhacda dhammaan goobaha, haddii loo baahdana la sii wado dhowr maalmood), oo ay ku xigto tirinta iyo isu geynta codadka, ansaxinta iyo ku dhawaaqidda natiijada iyo saxiixidda liiska rasmiga ah ee xubnaha la doortay ee Aqalka Hoose.

Liiska kama danbaysta ah ee Xildhibaanada Aqalka hoose oo lagu dhawaaqo.
Fadhiga ugu horeeya ee lagu dhaarinaayo xildhibaanada aqalka hoose oo qabsooma.
GDGHDD iyo GFHDD oo midba shaqada uga jira halka uu ka leeyahay

21-30-ka August: Doorashada guddoonnka Aqalka Hoose ee Barlamaanka

SEBTEMBER 2016 1-8-ka ka September Olalaha Murashaxiinta Madaxtinimada

10-ka September Doorashada Madaxweynaha JFS.

 

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment