3771 Views

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay geeridii Xildhibaan Burci Maxamed Xamza

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyay geeridii Xildhibaan Burci Maxamed Xamza
____________________________________________________________________________

 Muqdisho, June 26, 2016: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo ahaa Wasiiru Dowlahii Xafiiska Ra’iisul Wasaarahaee Arrimaha Degaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka mid noqday dadkii ku shahiiday weerarkii ka dhacay Hotel Naasa Hablood.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo keygaba, waxaan tiiraanyada iyo murugada la qeybsanayaa qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu shahiiday Marxuum Burci Maxamed Xamza. Waxaa lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay dalkiisa iyo shacabkiisa. Waxaa uu ahaa nin arrimaha degaanka ee Soomaaliya iyo sidii loo dhowri lahaa dadaal gaar ah u galey, isla markaana magaca Soomaaliya ku darey dalalka sida weyn looga qiimeeyo arrimaha degaanka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada waqtiga badan geliyay dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment