4650 Views

Chile oo hantiyay koobka America vs Argentina oo uu markale ka qaaday 2015 iyo 2016

Chile oo hantiyay koobka America vs Argentina oo uu markale ka qaaday 2015 iyo 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 27, 2016 – Xulka Chile ayaa 2 sano ee ugu dambeysay 2015 iyo 2016 ku  guuleystay Koobka America,waxaana xusid mudan in 2 goor uu Rigoorayaal uga qaaday Xulka Argentina iyo Hogaamiyahooda 10 kabtan Messi.

Goolhayaha Naadiga Barcelona vs Xulka Chile Bravo ayaa lafdhuun gashay ku Noqday Xulka Argentina,waxaana uu Xulkiisa Chile ku Hogaamiyay inay  la Garaan argentina Barbardhac 0-0 ah ilaa Intii Ciyaartu socotay 90 Daqiiqo iyo 30kii Daqiiqo ee lagu daray.

Kabtanka Xulka Argentina 10 Messi oo Rigoore ka lumiyay Xulkiisa  ayaa madaxa  hoos u lalmiyay markii uu qasaariyay Rigoorada waxaana uu carabaabay in wixii hada ka dambeeya Maadaama Xulkiisa 3 sano e ugu dambeysay 2014, 2015 iyo 2016 Finalka lagu garaacayay uu ka fadhiisan doono Xulka wixii hada ka dambeeya.

Xulka Chile ayaa sidaasi ku Difaacday Markii 2 Koobka Ameerica ka dib markii ay Argentina markale Rigooryaal ku legdeen 2 sano oo xiriir ah.

N.B 9 sano e ugu dambeysay Laga soo bilaabo 2007 Xulka Argentina 3 goor ayaa laga qaaday Koobka America waxana aka kala qaaday Brazil 2007 iyo Chile 2015 vs 2016
xulka-chille-copa-america-3 xulka-chille-copa-america-1 xulka-chille-copa-america-2 xulka-chille-copa-america-4
.
.
Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’

Uurdoox2016@gmail.com

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment