8721 Views

FOOLBUUG – Barta bulshada Soomaaliyeed

FOOLBUUG – Barta bulshada Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Warsaxaafadeed

Mudanayaal iyo Marwooyin

Maanta waa maalin weyn oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed meel walba ee ay daafaha dunida kaga nooshahay.

Waa maalin ay qormeyso taariikh weyn oo wax ku ool u ah afka, dhaqanka iyo xadaaradda bulshada Soomaaliyeed. Maanta oo ah Arbaco 6-da Luulyo 2016, ahna maalinta 1-aad ee Ciidda Bakareysan ee Ciiddul Fitri eek u suntay dhammaadka Bisha Ramadaan, waxaan si rasmi ah u shaacineynaa in uu khadka (internet-ka) ee dunida ku soo biiray adeeg BarBulsheed Af Soomaali ah tii ugu horeysay, ay Soomaali hal abuurtay, isla markaasna ay Soomaali leedahay.

ENGLISH VERSION – Click Here!

Adeeggan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay bulshada Soomaaliyeed yeelato ayaa ah bar-bulsheedka www.foolbuug.com. Waa adeeg laga soo shaqeynayey muddo seddax sanadood ah oo ka soo bilaabaneysa bartankii 2013-ka kuna eg bartanka 2016.

Waxaa ALLAAH fadligiisa inoo suurto gashay in adeeggan uu si rasmi ah u dhaqan galay maanta oo ah 06/07/2016. Adeeggan waxaa uu soo maray seddax waji, kuwaas oo kala ahaa ururinta xogta la xiriirta adeegsiga dadka Soomaaliyeed ay adeegsadaan baraha bulshada, ururin, tarjumaadka iyo sugidda luuqadda ay technolojiyadda iyo Warbaahinta Bulshada ku soo kordhiyeen afafka dunida, taas oo saameyn weyn ku yeelatay afka Soomaaliga.

Wajiga seddaxaad ayaa ah naqshadeynta iyo abuuridda bartan bulsho ee maanta u taaba gashay dadka Soomaaliyeed. Sababta loo aasaasay adeeggan waa in dadka Soomaaliyeed ay wax la qeybsadaan asaagood kale ee dunida, isla markaasna Afka Soomaaliga kobociisa uusan ka habsaamin afafka kale ee dunida ee la koraya teknoolojiyada casriga ah.

Haddaba inagga oo hiigsaneyna hadafka fog ee ah in Soomaaliya ay dunida ku lahaato maqaam sare oo wanaagsan isla markaasna tixgelintiisa leh, ayaan gareysanay in ay dow tahay in la dejiyo qorshe dabooli kara baahida dadka Soomaaliyeed ay u qabaan in ay helaan adeeg hufan oo si lacag la’aan ah ay ugu xiriiraan, araadooda ku bandhigaan, dhaqankooda iyo afkooda ku kobciyaan, walaalnimadoodana ku adkeeyaan, kaas oo xoojinaya ujeeddooyinkan hoos ku qoran. Barta bulshada Soomaaliyeed

  1. In dadka Soomaaliyeed ay helaan adeeg ay ku xiriiraan oo madax banana hadda lacag la’aan ah.
  2. In la horumariyo afka iyo dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed, si ay ula saan qaadaan horumarka tiknoolojiyadeed ee caalamka iyo afafka iyo dhaqamada asaagood ah.
  3. In qof walba oo Soomaaliyeed uu helo fursad uu bulshada kula xiriiro iyadoo aaney dabreyn luuqad shisheeye.
  4. In dadka Soomaaliyeed ee Afka hooyo kaliya ku hadla ay u fududaato in ay helaan xuriyad ay kaga faa’iideystaan adeegaa noocan ah.
  5. 5. In adeeggan uu noqdo barta bulshada Soomaaliyeed ay isku dhaafsato afkaarteeda, ku xiriirto, ku soo bandhigto wax soosaarkeeda, ku abuurto kalsooni bulsho iyo mid kooxeed ku saleysan afkaar iyo xirfad.
  6. In qof walba uu si madax banaan u soo bandhigi karo fikirkiisa siyaasadeed, iyada oo aan qofna faragelineyn ama cabburineyn, isla markaasna aan la tifaftireyn.
  7. In dadka Soomaaliyeed ay helaan bar mideysa oo leh ujeeddo horumarineysa Soomaalinimada, Walaalnimada iyo Islaamnimada. Adiga oo maanka ku haya ujeedooyinkan, fadlan haddaba iska diiwaan geli, ka sameyso ruun, degel iyo jiil, kulana xiriir asxaabtaada.

In kastoo ay Barnaamijka suurto gelintiisa iska kaashadeen dad tobanaan ah haddana waxaa la isla gareystay in si gaar ah loo xuso oo loogu mahadceliyo Saxafiga Soomaaliyeed Abuukar Sheekh Axmed (Albadri) oo isaga doorweyn ka qaatay in adeeggan uu ku shaqeeyo afka Soomaaliga. Abuukar waxaa uu ka mid yahay aasaasayaasha Barnaamijka, waxaana si gaar ah uu isaga xaquuqdeeda u leeyahay hawl badanna galiyey erey bixinta iyo saleynta luuqadda Baraha Bulshada, taas oo markii uu tarjumay haddana ku saleeyey in adeeggan uu ku shaqeeyo, arrintaas oo aheyd hawl aad u adag.

Waxaa iyagana sidoo kale loo mahad celinayaa dhammaan dadkii ka qeyb qaatay naqshadeynta, dhisidda, turxaan bixinta iyo ka shaqeysiinta adeeggan oo ay hawshiisa soo socotay muddo sanad ah. Waxaan idin rajeyneynaa ciid wanaagsan, Ciidal Fitriga aawgeed, waxaan idin rajeyneynaa Ciid wanaagsan, ciidda Todobaadka Xurriyadda aawgeed, waxaan idin rajeyneynaa Ciid wanaagsan, Ciidda Daahfurka Foolbuug aawgeed.

Hanbalyo! Hanbalyo! Hanbalyo! Wixii su’aalo iyo waydiimo ah, waxaa lagu soo hagaajin karaa sanduuq farriineedkan admin@foolbuug.com

.

.

Magan ALLAH! Xafiiska xiriirka dadweynaha.

.

.

 

_____________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment