3945 Views

Shir beeleed maanta Muqdisho ka dhici lahaa oo la joojiyay

Shir beeleed maanta Muqdisho ka dhici lahaa oo la joojiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 14, 2016:Shir maanta ka dhici lahaa magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen waxgarad, odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa loo joojiyay si deg deg ah.

Sida la sheegayo, shirkan ayaa ka dhici lahaa Hotelka Maka Al-Mukarama, iyadoo markii  dambe Ciidamada ammaanka ay joojiyeen.

Wararka qaar na soo gaaray, ayaa sheegaya in shirkan looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo waxqabadka Madaxweyne Xasan Sheekh afartii sano ee uu xilka hayay, iyadoo qaban qaabiyeyaasha shirka ay sheegeen inay uga soo horjeedaan fara gelin uu Madaxweynaha ku haayo Beelaha Hawiye iyo Waddanka oo dhan.

Dad ka mid ah kuwi ka qeyb galayay shirka, ayaa u sheegay Warbaahinta in markii la isugu yimid Hotelka ay u yimaadeen saraakiil ka tirsan Laamaha ammaanka, kuna war geliyeen in shirka la joojiyo xaalad amni darteed.

Intaas kadib ayaa waxaa soo baxday in Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la sheegay in lala bartilmaameedsan rabay Hotelka Maka Al-Mukarama ay qabteen Ciidamada Nabadsugida, waxaana kadib lagu kala dareeray Hotelka markii warkaas uu soo baxay.

C/fataax Cumar Xalane, Afhayeenka Gobolka Banaadir oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Nabadsugida ay qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay iyo ninkii waday oo su’aalo la weydiinayo.

Shirka ka dhici lahaa Hotelka Maka Al-Mukarama ee looga hadlayay xaalada dalka ayaa waxaa la sheegay in abaabulkiisa ay lahaayeen Guddoomiyaha Dhaqanka Beesha H/gidir Abuukar Ganey iyo Boqor Cabdullaahi Geeddi Shadoor.

Ilaa hadda lama ogaa sida wax u jiraan, balse dadka qaar ayaa sheegaya in arrintaan ay ahayd mid la soo xirfadeeyay oo la doonayay in laga eryo Hotelka odayaasha belihi dambe, qaska ka waday bulshada dhaxdeeda oo an doonaayn in xasilooni iyo nabad Bulshada Soomaaliyeed ku noolato.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment