4056 Views

Shir Madaxeedka 27-aad ee Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Kigali

Shir Madaxeedka 27-aad ee Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Kigali
____________________________________________________________________________

Kigali, 17 July 2016 (Villa Somalia)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo sannadkan ka dhacaya magaalada Kigali ee dalka Jamhuuriyadda Rwanda.

Shir Madaxeedkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa ajendayaasha ugu muhiimsan ka mid ah isla meel dhigista miisaaniyadda Midowga Afrika oo la doonayo in qaaradda isaga filnaato, doorashada hoggaanka cusub ee Guddiga Sare ee Midowga Afrika, xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan iyo arrimo kale.

Waxaa sidoo kale shirkan lagu soo bandhigay laguna daah-furay baasaboorka cusub ee qaaradda Afrika ka dhexeyn doona, oo la filayo inuu fududeyn doono isku socodka dadyowga ku dhaqan qaaradda.

Waxaa hal-ku-dhegga sannadkan ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika uu yahay Dhowrista Xuquuqda aadanaha qaaradda, iyo weliba Xuquuqda Haweenka.

Furitaanka rasmiga ee shirkan ka hor, waxaa madaxda ay yeesheen shir albaabada ay u xiran yihiin oo lagu lafa guray umuuro badan oo la xiriira horumarka qaaradda Afrika.

Shir Madaxeedka sannadkan waxaa barbar socday shir ay isugu yimaadeen madaxda Urur Goboleedka IGAD, oo ka dooday colaadda Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, waxaana laga soo saaray baaq lagu dalbanayo xabbad joojin waarta, in Qaramada Midoobay ay kordhiso, isla markaana xoojiso awoodda ciidanka nabad ilaalinta ee dalkaasi jooga iyo in hannaanka siyaasadda uu noqdo kan lagu xallinayo mashaakilaadka dalkaasi ka taagan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweyneyaasha dalalka Jamhuuriyadda Suudaan, Cumar al Bashiir, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, General Cabdulcasiis Al Sisi, Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru M. Kenyatta.

Kulamadaasi ayaa waxaa looga hadley xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya
dalalkaasi.

shir-madexeedka-africa-6 shir-madexeedka-africa-1 shir-madexeedka-africa-2 shir-madexeedka-africa-5 shir-madexeedka-africa-4 shir-madexeedka-africa-3

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment