3099 Views

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la filaayo in uu maanta furmo.

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la filaayo in uu maanta furmo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 3, 2016: Shirka maamul u sameeynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa maanta lagu wadaa inuu dib uga furmo magaalada Jowhar, halkaasoo ay tan iyo shalay ku qul qulayeen ergooyin ka kala socota labada gobol oo howsha u taallo.

Abaabulka shirka ayaa si xooggan uga socota magaalada, waxaana maanta la filayaa in wafdi ka socda Xukuumadda inay gaaraan magaalada Jowhar.

Wariyeyaal ku sugan Jowhar ayaa sheegaya in tan iyo shalay laga dareemayay magaalada diyaar garowga shirka, iyadoo la adkeeyay ammaanka guud ee magaalada iyo hareeraheeda.

Ciidamada amniga ayaa xoojiyay sugida amniga, iyadoo baaritaan lagu sameynayay dadka iyo gaadiidka galayay magaalada Jowhar.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey ayaa khamiistii sheegay in shirka dib u bilaaban doono 3-da bisha September oo maanta ku aadan.

Warar aanu heleyno ayaa sheegaya in ergooyinka ka socda Hiiraan, ee shirka ka qeyb galaya ay ka ambabixi doonaan magaalada Muqdisho, halka kuwii horay uga qeyb galay ay qaarkood ku sugan yihiin Jowhar.

Qorshaha la doonayo in maamulka loogu sameeyo ayaa ah mid ay ka qeyb qaadaneyso Urur goboleedka IGAD, iyadoo dhowaan soo saartay qariirad ku saabsan halka loo marayo maamul dhisida, waxaana la sheegayaa in maamulka la dhisi doono ka hor inta aanu dhamana bishan socota, waa sida la sheegay.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment