4536 Views

Wariye C/casiis Afrika oo ku dhaawacmay dagaal dhex maray labo Ciidan

Wariye C/casiis Afrika oo ku dhaawacmay dagaal dhex maray labo Ciidan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 13, 2016: C/casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ka mid ah Wariyeyaasha Warbaahinta dowladda ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta dhex maray Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Milateriga.

Wariye Afrika dhaawaciisa, ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana dhaawiciisa uu yahay mid fudud, isla markaana ay rasaasta kaga dhacday lugta midig, balse an dhib kale soo gaarin.

Wararka ayaa sheegaya in C/casiis Afrika uu ku dhaawacmay agagaarka Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, halkaasoo iska hor imaad uu ku dhex maray Ciidamo Boolis iyo Milateri kala ah .

Xiisada u dhaxeysa Milateriga iyo Booliska ayaa caawa laga dareemayaa degmada Boondheere, iyadoo saameyn ay ku yeelatay degmooyinka kale ee ku dhow goobtaas.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay markii ciidamo Milateri oo ka yimid Jowhar ay isku dayeen inay xoog ku gudbaan Wadada oo ay ilaalo ka hayeen Ciidamada Booliska, kuwaasoo ku guda jiray sugida amniga shir madaxeedka IGAD oo ka dhacayMagaalada Muqdisho.

Wakaa kale oo la sheegaya in ciidamadan ay galbinayeen Qaad laga keenay magaalada Jowhar, iyadoo uu soo kala dhex galay muran ku aadan marista wadada oo xilligaas xirneyd.

Tiro dhan labo askari ayaa ku dhimatay iska rasaaseynta, halka tiro intaa kalena ay ku dhaawacmeen, is rasaaseyntaas oo aheyd mid xoogan.

Waqtigaan, laamaha ammaanka ayaa ku howlan, sidii xiisada ka dhex taagan labada ciidan loo qaboojin lahaa, waxaana socda dadaalo, inkastoo labada ciidan ay isku hor fadhiyaan meelihii iska hor imaadka ka dhacay oo ahayd nawaaxiga Daljirka Dahsoon.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment