3339 Views

Madaxweynaha oo mar kale haweenka ku taageeray helista qoondada ay ku leeyihiin goleyaasha qaranka

Madaxweynaha oo mar kale haweenka ku taageeray helista qoondada ay ku leeyihiin goleyaasha qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22 September 2016 (Villa Somalia) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah-furay shir heer qaran ah oo haweenka Soomaaliyeed ay kaga arrinsanayaan hirgelinta qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka doorashada dhowaan dhici doonta.

Khudbad uu munaasabaddaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay dadaalka wadajirka ah ee haweenka ku doonayaan inay kaalin kaga cayaaraan siyaasadda, hoggaanka iyo dib u dhiska dalka.

“Haweenka waxay door weyn ku leeyihiin dalka, mana jirto cid xaqiri kara xuquuqdooda. Waxan idin kula talinayaa inaad xuquuqdiina ku raadsataan waddo nadiif ah oo wax dhisaysa, lagana fogaado qabiilka siyaasadeysan iyo in si khaldan bulshada loo kiciyo, waayo waxay tallaabooyinkaasi noo horseedi karaan colaad , burbur iyo dib u dhac’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay inuu doonayo in doorashooyinka dalka ka dhici doona dhowaan ay noqdaan kuwo xor ah, caddaalad ku saleysan, isla markaana haysta kalsoonida shacabka.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu dambeyntii xusay in wax badan la qabtey afartii sanno ee la soo dhaafay, balse uu qirayo in Soomaalida ay istaahilan, xaqna u leeyihiin inay helaan nolol iyo horumar ka ballaaran midka ay hadda haystaan.

qoontada-haweenka-2 qoontada-haweenka-5 qoontada-haweenka-6 qoontada-haweenka-4 qoontada-haweenka-3 qoontada-haweenka-1

.

.

.

.

___________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment