4218 Views

Doorasho Dadban iyo Musharax dadban !

Doorasho Dadban iyo Musharax dadban !
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 23, 2016: Anigu ma ogi ! waase wax jira oo suuragal ah .

Dad baa waxa ay ii sheegeen in qorshe loo degay musharixiinta Madaxtinimo-doonka ah ay sabab u noqotay in qaarkood ay cagta soo dhigi waayaan Caasimadda Muqdisho tan iyo dhammaadkii August 2016, halka qaar kale ay ku jaha wareereen dib u dhacyada noq noqodka leh ee qabsoomidda doorashada, dabadeedna ay ka huleeleen Magaalada.

Qorshaha “Calool Majiir” waxa uu naafeeyay damaca musharixiin xilka Madaxtinimo raadinayay kadib markii dhaqaallihii ay ku tala-galayeen muddo gaaban inay ku gaaraan kursiga Madaxtinimo uu noqday mid aan ku filneyn, mar haddii doorashooyinka ay dib u dhaceen illaa iyo seddex jeer oo is xig xiga, tiiyoo ay wehliso odayaal, dad lacag doon ah, qarash kiro, cunno , abaabul iyo olole, waxaana hoos u dhacay lacagaha ay heysteen.

Musharixiinta qaar ayaa ku gabanaya Magaalooyinka Dubai iyo Nairobi, qaar waxa ay miciin bideen inay dib ugu noqdaan wadamada ay ka yimaadeen, halka qaar kalana ay si waalli ah u adeegsanayaan Facebook iyo Twitter iyaga oo dibad joog ka ah dalka.

Musharixiinta qaar ee baraha bulshada ka sheegay inay yihiin kuwa u loolamaya xilka Madaxtinimo ee dalka waa kuwa doon-doonaya magac iyo maamuus mar haddii aaney si dhab ah isku diiwaan-gelin, dalkana aynan dib ugu soo laaban muddo dheer oo ay ka maqnaayeen, wax adeeg bulsho iyo horumarinna aan ka sameyn gudaha dalka, lagana aqoon fagaaraha bulshada iyo siyaasadda ee Soomaaliya.

Dadka qaar waxa ay sheegaan in Musharixiinta intooda badan ay si dadban isku soo sharixi doonaan si codka ay u siiyaan musharax la qorsheeyay inuu guuleysto kadib wareegga koowaad ee doorashada.

Tobaneeyo musharax oo u loolami doona Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa laga yaabaa in tiro aan ka badneyn Seddex ama Afar musharax ay ka gudbaan wareega koowaad, waxaana jahawareer siyaasadeed qabsan doonaa dad badan oo aan la socon siyaasadda dabran ee ka jirta Soomaaliya.

Musharixiinta qaar waxa ay socdaallo ku tageen degmooyin iyo gobollo ka mid ah dalka, kuwa qaar waxa ay ka qeylo dhaamiyaan baraha bulshada, qaar kale damacooda madaxtinimo raadiska wuu shiikay, qaar kale waa kuwa iska eeganaya muraayad madow, iyaga oo wada sugaya kulamo iyo xaflado ay ku mashquulin doonaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ergo beeleedyadu ay soo xuli doonaan dhowaan, waxaana xildhibaannadu waayi doonaan waqti ay kula kulmaan musharixiin kale !

Doorashadu waa dadban, musharuxuna waa dadban, codadka uu helana waa mid uu ku dabri doono musharax muuqda si uu u soo saaro saaxiib maalgeshtay !

W/ qoray : Ali Abdi Ali Hoshow

Email: alihoshow@gmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment