3615 Views

Galmudug oo xoog kusoo furatay gabar Kenya u dhalatay

Galmudug oo xoog kusoo furatay gabar Kenya u dhalatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 30, 2016: Ciidamada Nabad sugida ee maamulka Galmudug ayaa la sheegay iney xoog kusoo furteen gabar Kenya u dhalatay oo ku afduubneyd deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Gabadhaan lasoo badbaadiyay ayaa u dhalatay dalka Kenya, waxaana muddo badan ay gacanta ugu jirtay kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, sida dadka deegaanka ay tilmaameen.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugida ay howlgal qorsheysan kusoo furteen haweeneyda u dhalatay dalka Kenya, inkastoo aan la sheegin magaceeda iyo sababta ay halkaas u tagtay.

Ma jirin wax dagaal ah oo dhexmaray ciidamada maamulka Galmudug iyo kooxaha burcad badeeda ee gacanta ku hayay qofkaa dumarka ah.

Howlgalka ayaanan la sheegin in ciidamo aan Galmudug aheyn ay ka qeyb galeen iyo in kale, laakiin gabadhaas, ayaa muddo badan ku afduubneyd gobolka Mudug.

Kooxa Burcad badeeda lagu sheegay, ayaa dhawaan madax furasho kusii daayay dad badan oo u afduubnaa kuwaasi oo dhalasho ahaan kasoo jeeday qaarada Aasiya iyo meelo kale.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment