3987 Views

Magacyada xildhibaanada Aqalka Hoose ee maanta lagu doortay Baydhabo

Magacyada xildhibaanada Aqalka Hoose ee maanta lagu doortay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Baydhabo | November 8, 2016 – Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa maanta lagu qabtay qeybta koowaad ee Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Koonfur Galbeed.

Doorashadan maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Koonfur Galbeed, Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo xubno kale.

Maanta waxa uu qorshahu ahaa in la doorto ilaa iyo 8 xildhibaan oo Aqalka Hoose ah, balse waxaa la doortay 7 xildhibaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo qeyb ka ahaa xubnaha u tartamayay xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa guuleystay, waxaana uu keensaday 45 cod.

Hadaba waa kuwan Magacyada xildhibaanada Aqalka Hoose ee maanta lagu doortay Baydhabo iyo codadka ay ku soo kala baxeen.

  1. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari 45 cod.
  2. Daahir Cabdi C/laahi 28 cod.
  3. Ibraahim Isxaaq Yarow 51 cod.
  4. Fowsiyo Maxamed Sheekh 50 cod
  5. Sheekh Maxamed C/laahi 51 cod.
  6. C/qaadir Shariif Xasan
  7. C/wahaab Ugaas Khaliif

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in halkeeda ay ka sii socoto Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

.

.

.

____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment