3870 Views

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Yemen

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Yemen
____________________________________________________________________________

Muqdisho, December 08, 2016 – Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Ahmed Ali Mohamed “kadiye” ayaa maanta kaga guddoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Fadal Ali Alhanak.

Qaabilidda Safiirka cusub kadib, waxaa Wasiir kuxigeenku la yeeshay kulan gaar ah Danjire Fadal Alhanak oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal , xaaladihii ugu dambeeyay gobolka , arrimaha qaxootiga iyo ammaanka.

Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Yemen uu si rasmi ah u bilowday December 18, 1960.

Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Yemen xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag iyo derisnimo.

.safiirka-yemen-4 safiirka-yemen-3 safiirka-yemen-2

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment