5001 Views

War Saxaafadeed – Hal Qaran

War Saxaafadeed – Hal Qaran
____________________________________________________________________________

WAR SAXAAFADEED

21/12/2016

Dalka Soomaaliya waxa uu kujiraa xaalad adag oo ay lagama maarmaan tahay in laga gudbiyo, waxaana taa bar-bar socda xiligii doorashooyinka 2016-2020 oo dalka ka socda. Xaaladaha hadda jirana waxa ay samaayn ku yeelan doonaan hanaanka doowladnimada mustaqbalka, gaar ahaan dowladda dhawaan madaxdeeda la dooran doono.

Dhaqdhaqaaqa Hal Qaran Waxa uu ka walwalayaa duruufaha adag ee heysta shaqaalaha raydika ee dowlada iyo ciidmadda Soomaliyeed oo mudo aan helin mushaarkii noloshooda ay ku maareeyn lahaayeen.

Ciidamada dowladda mushaar ma qaadan sided (8) billod oo ka mid ah sanadkaan dhamaadka ah iyo afar (4) bilood oo sandkii hore kamid ah, sidoo kale saraakiisha ciidanka afar (4) bilood oo sanadkii hore iyo shan (5) bilood oo sandakaan ah mushaar la’aan ayey ahaayeen halka xildhibaannada iyo shaqaalaha rayidka aan mushaar la siinin in ka badan lix bilood, taas oo keentay qaarkood in ay iska bixin waayaan kirada guryahii ay ku noolaayeen caruutoodiina ay u heli waayeen qarash ay ku baahi tiraan.

Waxaa ayaan darro ah in ciidamadii la soo tababarey markii ay basaaseen ay goosteen in ay suuqa u shaqa tagaan si noloshooda ay u mareeyaan. Waa nasiib daro iyo wax laga murugoodo ah in laga xishoon waayo xuquuqdii shaqaalaha rayidka ah ee dowlada iyo ciidamadii amaanka sugayey.

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa yiri “Waxaa nasiib xumo ah in Shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu ayan waqti dheer mushaar iyo gunno toona ayan qaadan, waxaa muuqata in xaquuqdoodii shaqaalaha loo adeegsaday in lagu fuliyo dano gaar ah”.

Musharax Jabriil ayaa hadalkiisa sii raaciyay “iyada oo xaquudii shaqaalaha maqantahay ayaa hadana mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka waxa ay lacago fara badan oo laaluush ah ku bixinayaan sidii ay mar kale xafiiska ugu soo laaban lahaayeen. Tani waxa ay keeni doontaa cawaaqib xumo iyo burbur ku yimaad dowladanimda Soomaaliya”

Hal Qaran Waxa ay ka xuntahay in damaca siyaasiga ah uu wiiqay jiritanka haykalakii dowladda kadib markii Madaxweynihii talada hayay iyo Rislawasaarihii ay isku sharaxeen xilka madaxweynaha Soomaaliya, qilaafkii dhexmareyna uu saameyn ku yeeshay hay’adihii dowlada iyo hantidii qaranka, sidaas oo kale golahii wasiirada iyo madaxdii hay’adaha dowaliga ahaa ayagana waxa ay doonteen xildhibaanimo, arimahaasna oo is biirsadayna waxa ay sababeen in madaxdii dowlada ay ku dhex milmaan ummadii ay hogaaminayeen hantidii qarankana loo isticmaalay doorashooyinka .

Waxaa murugo leh iydoo duruufahaasi jiraan in xiliga doorashada ay maalin walba ay dib u sii dhacdo isla markaana ilaa hadda aan la ogeeyn xiliga rasmiga ah ee ay dhacayaan doorashooyinka madaxtinimda Soomaliya, markastana la sameeyo waqti aan caqli gal aan aheyn oo umadda lagu madadaalinayo.

Annaga oo dareensan durrufaha jira lana wadaagaya shacbiga Soomaliyeed iyo beesha caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya, waxaan ku baaqeynaa in si dhaqo leh loo bixiyo mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada, isla markaana laga hortago isticmaalka hantida qaranka ee loo istcmaalayo doorashooyinka. Bixin la’aanta mushaaraadka shaqaalaha iyo faarujinta qasanadda waxaa ay culays ku keeni doontaa taabagalinta howlaha dowladda cusub ee dhawaan la dooran doono. Sidoo kale waxaan ka digaynaa fara galinta laga daayo cabashooyinka ay soo jeedinayaan dadka la xaqdarey ee xuquuqdooda lagu tuntey.

.

Dhamaad

Hal Qaran

Email: halqaraninfocenter@gmail.com

_____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment