4371 Views

Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 22, 2016 – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo galabta ah ka dhacay meel ku dhow isgoyska Black Sea ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid aad uxoogan ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, dadka qaar ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay miino lagu aasay banaanka geerish ay dhawaan la wareegeen ciidamada NISA halka dadka qaar ay sheegayaan inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Goobjooge ayaa u sheegay Horumar.com in ku dhawaad afar ruux oo uu ku jiro hal askari ay ku dhinteen qaraxani, ayna ku dhaawacmeen ilaa iyo shan kale.

Goobjoogahan ayaa sidoo kale sheegay, in qaraxan uu ahaa mid aad u xoogan, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha uu intaas ka bato.

Ciidamo badan ayaa haatan isku gadaamay geerishka uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay ridayaan rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidamada.

.

.

Kala soco wixii faah-faahin dheereaad ah

Xigasho: Horumar Online

________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment