5040 Views

Ban Ki-Moon oo fariin u diray xildhibaanada cusub ee 2-da aqal

Ban Ki-Moon oo fariin u diray xildhibaanada cusub ee 2-da aqal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 29, 2016 – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon, ayaa waxaa uu soo dhaweeyay dhaarinta Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Somaliya,taas oo qabsoontay 27-kii Bishan Maalin Talaado ah.

Mr Ban ayaa Xildhibaanada cusube ee Somaliya ka dalbaday in ay xoogga saaraan dhameystirka dowladda cusub ee Somaliya oo ay ugu horeyso,sameynta Dastuur rasmi ah oo looga baxayo kan kumeelgaarka ah,doorashada Madaxweyne cusub,dhameystirka xildhibaannada ka dhiman labada Aqal iyada oo la ilaalinayo kootada Haweenka iyo in ay ka hortagaan eedaha la xiriira wax isdaba marinta.

Waxa uu sheegay in fal dambiyeed kasta oo ay soo wariyaan Guddiga doorashada heer Gobol iyo Federaal ee Somaliya ayuu sheegay in dhab loo qaadanaayo islamarkaana ay Adduunyada si gaar ah u fiirineyso waxa ka socda Somaliya.

Dib u dhacyada doorashada Somaliya ayuu sheegay in ay niyad jabkeeda leedahay,waxaana uu rajo ka muujiyay Baarlamaanka cusub ee la dhaariyay in ay wax badan ka qaban doonaan dowladnimada Somaliya.

27-kii Bishan ayaa Muqdisho lagu dhaariyay 283 Xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee dalka,waxaana dhiman xubno kale kuwaas oo aan qaarna wali la dooran halka kuwana lagu eedeeyay in ay ku soo baxeen  qaab aan waafaqsaneyn Sharciga doorashada dibna loo celiyay.

Beesha caalamka ayaa dhawaan muujisay walaaca ay ka qabto tirada lagu kordhiyay Xubnaha Aqalka Sare ee dalka.

.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment