3693 Views

Doorashada madaxweynaha dalka oo mar kale dib u dhac ku yimid

Doorashada madaxweynaha dalka oo mar kale dib u dhac ku yimid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 20, 2017 – Dowladda Soomaaliya iyo Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa wada qorsho lagu dib dhigaayo Doorashada heerka Madaxweyne ee lagu ballamay inay dhacdo dabayaaqada bishan.

Doorashada heerka Madaxweynaha oo ka xiisa badan Doorashooyinkii hore, ayaa la filaya inay gaarto illaa dhammaadka bisha Feberaayo ee sanadkan.

Sababta dib u dhaca Doorashada ayaa lagu sheegay inaan wali lasoo dhameystirin Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Somalia.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa dhawaan sheegay in shaqooyinka Baarlamaanka ay u xayiran yihiin Kuraasta aan wali la dooran.

Dowlada sida KMG ah usii heysa talada dalka iyo Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu wadaa in Labada Aqal ee baarlamaanka ay hordhigaan soo jeedin la xiriirta dib dhaca Doorashada heerka Madaxweyne, iyagoo isla shirka ku dhisi doona Xubno loogu wanqali doono Guddiga qabanqaabada Doorashooyinka.

Qorshaha ayaa ah in Doorashada Guddoonka Aqalka Sare kadib ay madaxdu dalbadaan in wakhti dheeraad ah loogu darro xiliga Doorashada Madaxweynaha, kadib shir guud oo ay la qaadan doonaan Labada Aqal.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada madaxweynaha ayaa dhowr mar oo hore dib u dhacday,taaso walaac badan laga muujiyay,waxaan hadda soconaya dadaallada la doonayo in lugu xalliyo dhamman caqabadaha hortaagan.

.

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment