8913 Views

Maxaa sababay in Sacuudigu diido xoolaha Soomaaliya?

Maxaa sababay in Sacuudigu diido xoolaha Soomaaliya?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 30, 2017– Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaacisay in qof dumar ah ay sabab u aheyd xanibaadii Dowladda Sacuudiga kusoo rogtay xoolaha Soomaalida.

Wasiirka xanaanada Xoolaha Siciid Xuseen Ciid, ayaa sheegay in hanweeyney u dhalatay dalka Masar ay sabab u aheyd in xoolaha Soomaalida laga joojiyo dalka Sacuudiga.

Haweeneyda oo xoolo ka dhoofsata Soomaaliya ayaa si qaldan dalkaasi Sacuudiga u geystay xoolo Soomaaliya laga dhoofiyay oo caafimaad ahaan aan wanaagsaneyn.

Mr Ciid wuxuu sheegay in haweeneyda u dhalatay Masar ay dalka Soomaaliya ka dhoofisay sandkii lasoo dhaafay 2975 neef oo lo’ah, kuwaasi oo sifo aan sharci aheyn ku geysay dalka Sacuudiga.

“Xoolahaasi markii ugu horeysay waxaa gadatay Haweenay Masaari ah, waxa ay u dhoofisay dalka Sacuudiga waa lagu soo celiyay, qaab qaldan ayeey u martay”

“Qalad ay iyada gashay awgeed  ayaana loo soo celiyay xoolahaasi, waana sababta keentay in Sacuudiga ay joojiyaan dhamaan xoolihii Somaliya laga dhoofin jiray.” Ayuu yiri Wasiir Ciid oo Saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

.

.

.

Xafiiska Qaranimo Online ee Muqdisho

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment