6057 Views

Qaabka (4.0 Gps) ee xilka sare xal ma keenay ?

Qaabka (4.0 Gps) ee xilka sare xal ma keenay ?
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 12 Feb 2017 | Laga soo bilaabo habeenkii 8-dii febuary 2017 waxaa wadanka guud ahaan laga dareemay dhaqdhaqaaqyo iyo daamaashaadyo loogu dabaaldegayo wax dadku ugu yeereen isbedel cusub oo wadanka Soomaaliya ka curtay.

qaranimo
Shirkii lagu qabtay tuulada Carta ee wadanka Jabuuti waxaa dalka Soomaaliya siyaasadiisa lagu Miisaamay qayb qabiileed loogu magic daray 4.5 ama afar beelood oo lagu sheegay beelaha waaweeyn iyo Beelo isugayntooda lagu cabiray inay yihiin kalabarka beelaha waawayn iyadoo aysan jirin cid cadayn karta tirada beesha uu ka tirsan yahay inta ay la egtahay, laakiin laga qiyaas qaatay sida degaamada Soomaalidu u degto.

Waxaa kaloo Iyana loo dhaqaaqay doorasho looga dan lahaa inuu madaxwayne Hawiye qaasatan beesha Habargidir ah uu xilka qabto iyadoo loo tirinayay beeshaas hadii aanay xilka qaban aysan Soomaalidu nabad heli Karin qaasatan Magaalada Muqdisho oo ay xilligaa ka talinayeen dagaal ogayaal beelaha Hawiye ahina aysan suurtogal maamul ku lahaan Karin nin aan beeshaa ka soo jeedin.

Waxaa la doortay Madaxwayne Cabdiqaasim Salaad Xasan isagoo soo xushay Raisulwasaare Cali Khaliif, kaasoo ay durbadiiba diideen beelaha kale ee xilligaa ka maqnaa shirkaa iyo dagaal oogayaashii Muqdisho ku sugnaa, waxaa kaloo gaashaanka ku dhuftay Allaah u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf iyadoo ay gebi ahaanba diiday maamulkii Cabdiqaasin oo markaa ka ariminayay gurigii uu Dr Cabdiqaasim ka degnaa Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wuxuuna ugu danbayntii xilka raisulwasaaraha u magacaabay Xasan Abshir Faarax si uu uga helo xoogaa taageero ah maamul goboleedkii Puntland oo markaa curdanka ahaa uuna hogaaminayay Cabdullaahi Yuusuf Amed, waxayna dowladaasi noqotay mid u gudubta dib u heshiin ka bilaatay mar kale dalka Kenya iyadoo markaan ay shirkaa ka wada qaybgaleen dhamaan madaxdii qabaa’ilka iyo dagaal oogayaashii ku kala sugnaa wadanka.

Waxaa lagu doortay Allaah U Naxariistee Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf isgoo bilaabay nidaamkan loo yaqaano 4.0 ee ah in laba beelood oo Hawiye ah iyo laba kale oo Daarood ah mooyaane aysan xilka qaban laga soo bilaabo xilligii dowladii Emaghati lagu soo dhisay ilaa manta.

Cabdullaahi Yuusuf wuxuu magacaabay 2ba Raisulwasaare oo labaduba hal beel ka soo jeeda dowladiisuna ku dhamaatay, iyadoo kuwii xigay ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay magacaabeen 5 raisulwasaare oo ka soo wada jeeda beelaha Majeerteen iyo Mareexaan.

Taageerada loo muujiyay Farmaajo manta waxay ku tusinaaysaa in maamuladii Soomaaliya soo maray hore u socon waayeen taasoo aad ka garan kartid in madaxda Muqdisho aysan xaafaadaha Muqdisho ku kala socon Karin Afgooye iyo Balcadna ay diyaarado ku tagaan si kastoo ay raisulwasaarayaashu uga wada yimaadeen labadaa beelna wax ay ku soo kordhiyeen xaaladda wadanka  la sheegi Karin.

Maanta oo uu Farmaajo xilkii madaxtinnimada ku fadhiyo waxaa sugaysa inuu la soo boxo khariidadii 4.0  ee lagu raadin jiray raisulwasaarayaasha iyadoo laga yaabo inuusan ka leexan Karin jidkaa lagu taagnaa ee “ Madax duub yaqaan ayaa la duubaa “ waxaadna ka garan kartaa sida xaalku u degan yahay maalintii la doortay ilaa maanta.

Waxaan u rajeeynayaa inuu guuleeysto maamulka Madaxwayne Farmaajo laakiin xulashadiisa kedib ayaan ogaan doonaa isbedelka wadanka ku imaan kara iyo in Wadaniyadda maanta dhalatay ay daacad ka tahay dadka Soomaaliyeed iyadoo ay ka adag tahay xulashada raisulwasaaraha laga xusho beesha Daarood tan laga xulayo beesha Hawiye waayo waa beel xoogoodu kuwada sugan yahay magaalada Muqdisho iyagoo lagu yaqaanay is eegeegasho iyo inay tijaabinaayaan tabarta dowladda.

Mustafa S Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment