2886 Views

Xildhibaanada Baarlamaanka oo diyaarinaaya moshin

Xildhibaanada Baarlamaanka oo diyaarinaaya moshin
____________________________________________________________________________

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in heer gabo gabo ah uu u marayo diyaarinta mooshinkan, ayna maalmaha soo socda hor-geyn doonaan Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera ay tahay arrin dhaawaceysa jiritaanka Midnimada Soomaaliya, isla markaana ah xadgudub.

Kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii ayaa Xildhibaano qaar soo hadal qaadeen arrinta saldhiga Imaaraadka Carabta, hase ahaatee Guddoomiye Jawaari ayaa diiday in laga hadlo, iyadoo aanay ku jirin ajandaha, waxaa uu xusay in loo baahan yahay in hadii la rabo in laga hadlo ama laga doodo mooshin laga keeno.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku sii shareereysa, kaddib markii Imaaraadka Carabta u yeertay Safiirkii u joogay Somalia, sababo ku aadan muranka iyo cabashada dowladda Somalia ka keentay saldhiga Milateri.

Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii sano ee u dambeeyay si weyn ugu lug laheyd arrimaha Soomaaliya, iyadoo xiriiro dhow la laheyd maamulada dalka, kuwaasoo qaarkood ugu deeqday saanad milateri, iyo gaadiid isugu jira mid ciidan iyo kuwa madaxda lagu qaado ee aan xabadaha karin.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment