6435 Views

Tirada dadkii ku dhintay gantaalka yemen oo sare u kacday iyo Sawiro

Tirada dadkii ku dhintay gantaalka yemen oo sare u kacday iyo Sawiro
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 17, 2017 – Ugu yaraan 30 qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay xeebaha dalka Yemen ka dib markii uu gantaal ku habsaday doontii ay ku safrayeen.

Ilo laamaha caafimaadka ka tirsan oo ku sugan dekedda jabhaduhu maamulaan ee Hodeidah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan haween iyo dhallaan, dad kale oo badan oo dhaawac ahna loo wareejiyay isbitaallada magaalada.

Ilaalada xeebaha ayaa saxafiyiinta u sheegay in qaxootigan oo wata warqado aqoonsi oo rasmi ah oo ay bixisay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u sii socdeen Suudaan marka ay weerartay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda weerarka gaysatay.

Dalka Yemen ayuuse dagaal sokeeye oo xun ka jiray tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2015kii; saddex meloodow labo ka mid ah bulshada dalkaasina waxay qarka u saaran yihiin in ay maculuuli ku habsato.

xas11

xas10

HODEIDAH, MAR 17 -- Yemeni police officers check the bodies of Somali refugees, killed in attack by a helicopter while travelling in a vessel off Yemen, at the Red Sea port of Hodeidah, Yemen March 17, 2017. REUTERS-12R

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment