3369 Views

FARMAJO IYO KHEYROW TALO WAA TII AAD AMINTAAN, TABARNA WAA TAAGTIIN.

____________________________________________________________________________

March 20, 2017

 

FARMAJO IYO KHEYROW TALO WAA TII AAD AMINTAAN, TABARNA WAA TAAGTIIN.

Somalidu waxay tiraahdaa “Amman lama dhudhumiyo, Aqoon xumana abaar ka daran

Sida ay sheegayaan illo wareedyo lagu kalsoonyahay, waxaa si is daba joog ah u soo shaac baxaya HANDADAADAHA IYO HUJUUMYADA lagu hayo MD, WAYNAHA iyo R, WASAARAHA si loo ogoleysiiyo dalabaadka ay wataan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka, taasina waxay dib u dhac wayn ku tahay soo dhisida Golihii Wasiirada.

Sida ay wararku sheegayaan, waxaan intaas u sii dheer Safaaradaha dowladaha shisheeye ee fadhigoodu yahay Mudisho iyo Shaqsiyaad ka socda beesha caalamka oo u badan CADDAAN Bistooladu ku Hubaysan oo buux dhafiyey Madaxtooyda Villa Somaaliya.

Waxaana la sheegayaa in MD waynaha iyo R, Wasaaraha ay ka muuqato DAAL iyo DIIF badan, taasi oo ay ugu wacan tahay Nasasho la’aanta ay ku jiraan darteed, inkastoo la sheegayo ilaa xad in la adkeeyey aragtida MD,waynaha iyo R, wasaraha, waxaana amar lagu bixiyey in dib loo celiyo shaqsigii yimaado Madaxtooyada isagoon balan aan la lahayn Madax Waynaha iyo R, Wasaaraha.

Somaalidu waxay tiraahdaa “waano abuurisaa ka horeysay”  waxaa is waydiin mudan Shaqsiyaadkii u bartay in ay subax walbo tagaan Xafiiska MD, Waynaha iyo R, Wasaaraha si loogu fuliyo danahooda gaarka ah ma yeeli doonaan in ay BALAN SAMEYSTAAN?

Ugu dambeyn waxaan leeyahay MD, waynaha iyo R, Wasaaraha “afmacaan waxaa dhaama gacan macaan” ee k u adkaada wixii dan u ah DALKA iyo DADKA, nin XOOG wata iyo nin XUMAAN wataba yaan laga baqin shartooda ee Sharciga ku adkaada si loo helo QARAN umaddu leedahay, si looga boxo Qarankii magac uyaalka ahaa ee u shaqayn jiray Qabiilka iyo Qaswada yaasha diidan in uu dhismo Qaran Somaaliyeed.

Midna ogaada Madaxweyne iyo R, Wasaare, waxaa la yiri Seddex Seddex bay ka tagtaa!

  • Raggu raad fiican (wax muuqda) iyo Ra’yi buu ka tagaa.
  • Roobna rays buu ka tagaa.
  • Raaliyo Dumarna raas fiican bay ka tagtaa.

Seddexna la lama saaxiibo ee ka digtoonaada.

  • Nin aan rabbi aqoon. (waa ninka aan arkeynin xalada ay ku sugantahay umada Somaaliyeed)
  • Nin aan rag aqoon.   (waa ninka aan u jeedin xilka Culus ee aad u haysaan umada ee ubahan Rabbi/Rag)
  • Ninaan run aqoon. (waa ninka raba in uu qabiil wax ku noqdo, Qarankana Tuuro)

horaa looyi “fulayow GUULI kuu dhawaydaa”  ku dadaala sida ugu haboon ee loo dhisi karo dowlad Qarran idinkoo adeegsanaya AQOON iyo WAYO ARAGNIMO ku salaysan caqli suuban si wax loogu qabto  Shacabkan dhiban ee noqday Masagadii u dhaxaysay KASHA iyo MOYGA.

War iyo dhamaa,  Somaaliyey kala doorta sida horey looyiri (Gumaysi leh dhereg BEEN ah iyo GAAJO Gobonimo leh”.

Abwaan Somaliyeed baa yiri “ Allaa wayn ninkii aaminaa Awood leh, umad waliba  aayaheeda inay garato iyadaa leh”, midna aan ogaano Dalna waa Dalkeena, Dadna waa Dadkeena.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment