4548 Views

AMISOM oo is hortaagay Wasiirad Maryan Qaasim

AMISOM oo is hortaagay Wasiirad Maryan Qaasim
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 –Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryam Qaasim Axmed ayaa ku xadgudubtay maanta xeerarka shaqo ee dowladnimada, kaddib markii ay qorsheysatay in saraakiisha ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya ay kula kulanto xarunta ay ku leeyihiin xerada milatari ee Xalane ee ku taalla dhanka Koonfur Galbeed ee caasimadda Muqdisho.

 

Ciidamada AMISOM ayaa is hor-taag ku sameeyay Wasiirada, xilli ay dooneysay in Xalane kula kulnato saraakiisha Ergada Midowga Yurub,

Wasiiradda ayaa barteeda Twitter ku qortay sidatan :

“Waxa aan ku shaqeynaa duruuf adag oo ka jirta Soomaaliya, balse marmarsiinyo ma yeelan karto hab dhaqankii aan maanta ku arkay ciidamada AMISOM”.

“Dhaqanka bahdilidda ah ee ciidamada AMISOM ay igula dhaqmeen aniga iyo gabar ka mid ah shaqaalaheyga albaabka laga galo garoonka diyaaradaha Muqdisho ee loo yaqaan “Medina Gate” waa wax aan la aqbali karin”.

Sida caadada ah Albaabka hore ee Xalane waxaa la dhigaa magacyada dadka balamada ku leh, cid aan magacooda oolin albaabkaas looma ogola inay gudaha galana, maadaama xeyndaabka uu ku yaallo ay tahay meel aad ammaankeeda loo adkeeyay, isla markaana la ogoleyn dhaq dhaqaaqa dadka iyo inay caadi u tagaan, iyagoo aan balan laheyn.

Shabakadda Jowhar oo baaritaan ku sameysay arrintan, xog wareysina la sameysay diblomaasiyiin iyo Safiirro hore oo Soomaali ah ayaa ku xog waramay in falka ay ku dhaqaaqday Wasiiraddu yahay nidaam darro iyo ku xadgudub xeerarka dowladnimo, waxa ayna ku tilmaameen wax laga yax yaxo in Wasiir uu iskii u booqdo Safaarad ama Ergo Shisheeye, xilli aanu marin marinka diblomaasiyadeed ee saxda ah ee dunida isla taqaan.

Wasiirad Maryan Qaasim oo awood u heli kartay inay la xiriirto Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, kana dalbato in loogu balamiyo xafiiskeeda Safiir ama Ergey shisheeye , iyada oo qeexeysa waxa ay ka wada hadlayaan iyo ujeedka balaminta ayaa ka doorbiday in iskeed ay xiriiro gaar ah u sameyso, taasina waxa ay lumisay heybadda Wasiirnimo iyo Magaca dowladeed ee ay wax ku mataleyso sidaasi waxaa yiri diblomaasi muddo 35 sano ah u shaqeynayay qaranka Soomaaliyeed.

Diblomaasigaasi oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa caddeeyay in layaab iyo filanwaa ay ku noqotay markii uu arkay Wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo seddexdii sano ee ugu dambeysay ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya oo ka tallaabayay kannaalka dowladdu kula xiriirto dibadda, isaga oo sheegay mar haddii aanu jirin waxa uu ugu yeeray “Courtesy call” oo ujeeddooyin kala duwan leh ay khalad iyo ka gudbid xeendaabka dowladnimo ay tahay in la iska booqdo xafiis hey’ad shisheeye ama ergo diblomaasiyadeed oo dal kale uu ku leeyahay Caasimadda Muqdisho,  sidoo kalana ay meel ka dhac ku tahay hannaanka dowladnimada in mas’uul dowladeed kula xiriiro Email jiho kale oo dowladeed ama urur , waxaanu yiri “ wax waliba oo xiriir dibadeed ah waxa ay ku wanaagsan yihiin in la mariyo Wasaaradda ugu xil saaran dalka si maamuuska dowladnimo u hagaago”

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment