3786 Views

Maxweynah Rwanda Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Casimada dalka Jabuuti

Maxweynah  Rwanda Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey  Casimada dalka Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 18, 2017 –Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa booqasho qaadan doontaa labo maalmood uga bilaabatay dalka Jabuuti, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Jabuuti.

Garoonka diyaaradaha Jabuuti ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne Kagame ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Marwadiisa, waxaana inta uu joogo kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa Jabuuti.

Labada dal Jabuuti iyo Rwanda ayaa lagu wadaa inay kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi ah, iyadoo xiriirka labada dal uu sii xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay.

Sanadkii hore Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho ku tagay magaalada Kigali ee dalka Rwadan.

Rwanda ayaa dib u soo kabasho aad u weyn ka sameysay colaadihii sokeeye ee soo maray dalkaas, waxaana ay ka mid tahay dalalka Africa ee horumarada ballaaran sameeyay 10-kii sano ee u dambeeyay

 

ffffffffffffffff

wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment