2610 Views

Ra’iisul Wasaaraha Kheyre oo ku amaray ciidmada XOOGA iyo AMISOM in sidag deg deg ah ay u furaan wadooyinka xiran

Ra’iisul Wasaaraha  Kheyre oo ku amaray ciidmada XOOGA  iyo AMISOM in sidag deg deg ah ay u furaan wadooyinka xiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 18, 2017– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Maanta Kulan gaar ah la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha SNA iyo AMISOM ayaa looga hadlay sidii Ciidamada ay u qaadi lahaayeen Howlgal Deg Deg ah oo lagu furayo Wadooyinka Xiran islamarkaana lagu qaadayo Isbaarooyinka Sharci darada ah ee yaalla Dalka.

War Qoraal ah oo Ra’iisul Wasaare Kheyrre uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay isku raaceen in la bilaabo Howlgalka lagu furayo Wadooyinka si Shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo Gurmad Deg Deg ah meel kasta oo ay Dalka ka joogaan.

“Waxaan isla Meel dhignay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM in ay qasab tahay in la qaado Isbaarooyinka Sharci darada ah si Shacabka loogu gurmado”ayaa lagu yiri Warka lagu qoray Twitter-ka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment