3051 Views

Uhuru “Ciidanka Kenya way joogayaan Somalia ilaa Kenya ay ka noqoneyso meel amni ah”

Uhuru “Ciidanka Kenya way joogayaan Somalia ilaa Kenya ay ka noqoneyso meel amni ah”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  10, 2017 –Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Kenya ay sii joogi doonaan Soomaaliya, si ay u dhameystiraan ujeedka ay markii hore u soo galeen oo ah xaqiijinta ammaanka Kenya.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay ka hor inta uusan Nairobi ka dhoofin, kuna sii jeeda London ayaa sheegay in Kenya aysan Soomaaliya ka bixi doonin, tan iyo inta Soomaali ay iyada is difaaci karto.

Madaxweynaha Kenya ayaa ka mid ah Madaxda dalalka Gobolka ee ka qeyb galaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee berri ka furmaya London.

Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa qeyb ka ah howl galka AMISOM, iyadoo ajandayaasha shirka uu ka mid yahay dhismaha ciidamo gaaraya 18-kun askari oo qorshahooda yahay inay la wareegaan Ammaanka dalka, kaddib marka ay AMISOM ka baxdo Soomaaliya sanadka 2018, sida qorshuhu yahay.

“AMISOM halkan uma joogto arrimo gaar ah ee waa mid amniga lagu sugayo, wadamada dariska ah ee AMISOM kujira waxey Somalia uso galeen si amnigeena ay u sugaan, Dabcan Somalia waxay u baahantahay in iyada ay isdifaacdo, laakiin sax maahan in AMISOM ay iska baxdo, iyadoo an Soomaaliya amni laga dhigin, taasina waa hadafka aan dooneyno inaan gaarno”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo Wariyeyaasha kula hadlayay Nairobi, ka hor inta uusan u ambabixin London.

Kenya ayaa dhamaadkii sanadkii 2011 kumanaan askari soo gelisay Soomaaliya, kuwaasoo ka soo tallaabay xuduuda, iyagoo ku andacooneysa inay la dagaalameyso Al-Shabaab iyo ka hortaga falal afduub ah oo ka dhacay gudaha dalkeeda, kaddib markii dad laga soo afduubtay xeryaha qaxootiga Kenya iyo gobolka dalxiiska ee Kenya lala soo galay gudaha Soomaaliya.

Kumanaan askari oo Kenya ka socda ayaa hada ka mid ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM, waxaase ciidamada kenya ay yihiin kuwo ugu badan ee wajahaya weerarada Al-Shabaab, waxaana askar badan looga dilay gudaha Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment