2196 Views

Agaasimaha guud HSJ ayaa gaaray Dalka Biljimka

Agaasimaha guud HSJ ayaa gaaray Dalka  Biljimka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 2, 2017 – Agaasimaha Guud ee HSJ G/Sare Maxamed Adam Koofi ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Biljimka.
Agasimaha ayaa halkaas kulan kula qaatey Safiirka safarada, Qumsulka iyo gudi ka socdey bulshada  Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Biljimka.
Kulanka ayaa looga hadley adeegga bixinta baasaboorka iyo aqoonsiga oo dhowaan laga bilaabey safaaradda, wuxuuna agaasimuhu kala hadley masuuliyiinta safaaradda iyo gudigaba muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharciga iyo xeerarka lagu bixiyo baasaboorka iyo aqoonsiga.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Beljimka ayaa uga mahadceliyey HSJ adeegga ay soo gaarsiiyey oo dhib badan ay u mari jireen helidda baasaboorka iyo aqoonsiga.
.
.
.
____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment