3309 Views

Wasiirka Warfaafinta oo booqday xarumaha UBC iyo UCC ee Kampala

Wasiirka Warfaafinta oo booqday xarumaha UBC iyo UCC ee Kampala
____________________________________________________________________________

Kampala, 7 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo booqasho ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa booqday xarumaha Warbaahinta Bulshada ee Uganda (Uganda Broadcasting Corporation (UBC) iyo Golaha Warbaahinta & Isgaarsiinta Qaranka ee Uganda (UCC) si uu ugu kuurgalo howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Uganda u hayaan si dalka Soomaaliya looga hirgeliyo Warbaahinta Bulshada iyo dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow oo ugu horreyntii booqday xarunta UBC oo ah Warbaahinta Bulshada Qaranka Uganda ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha xaruntaas oo uu uga warbixiyey xaalada dalka Soomaaliya iyo gaar ahaan qorsheyaasha Wasaarada Warfaafinta ee ku aadan sidii loo aasaasi lahaa Warbaahinta Bulshada Soomaaliyeed (Somali Broadcasting Corporation (SBC)) oo uu Xeerka Saxaafada siinayo sharciyadii loo baahnaa.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in abuurista Warbaahinta Bulshada ay muhiim u tahay Soomaaliya iyadoo sare u qaadi doonta horumarka warbaahinta dalka, gaar ahaan xilli uu dalku isu diyaarinayo xisbiyada siyaasada oo Warbaahinta Bulshada ay si dhexdhexaad ah ugu adeegi doonta xisbiyada dalka, siyaasada iyo weliba iyadoo qeybaha kala duwan ee bulshada fursad loo siin doono lagu horumariyo howlahooda ay bulshada u hayaan.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sidoo kale intii uu joogey Kampala booqday Xarunta Golaha Warbaahinta & Isgaarsiinta Qaranka ee Uganda (UCC) bacdamaa Soomaaliya ay dhowaan abuuri doonto Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka howlgeli doona dhaqangelinta Xeerka Saxaafada isla markaasna la xisaabtami doona warbaahinta dalka iyo suxufiyiinta si loo hubiyo in howlaha ay u gudanayaan si waafaqsan nidaamka iyo shuruucda dalka. Wasiir Yarisow ayaa sheegay in booqashada xaruntan ay muhiim u aheyd si looga faa’iideysto oo loo arko sida ay u howlgalaan, caqabadaha heysta iyo horumarka ay ku tallaabsadeen mudadii ay jireen.

Wasiir Yarisow ayaa u arka booqashada labadan xarumood inay muhiim u tahay horumarka warbaahinta Soomaaliya.

yasiidow-ubc-4 yasiidow-ubc-3 yasiidow-ubc-2 yasiidow-ubc-1

.

.

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment