3720 Views

Dil ka dhacay Muqdisho

Dil ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  18, 2017 – Sida ay u xaqiijiyeen Qaranimo.com dadka kunool degmada Dharkeynley Koox Hubeysan ayaa  waxaa ay dil u geysteen gudaha Suuq Boocle ee Degmada Dharkenley Askar ka tirsan Ciidamada dowladda.

Saddex nin oo dhallinyaro ahaa islamarkaana watay Baskoolado ay toogteen labo Nin oo ka tirsanaa Ciidamada Qaada Canshuuraha xilli ay ku sugnaayeen Gudaha Suuqa.

Qof ka mid ah dadka Suuqa oo Magaciisa iyo codkiisa ka gaabsaday in Warbaahinta loo adeegsado ayaa Qaranimio  u sheegay in Askarta midna uu dhaawacmay midna uu dhintay.

Waxaa uu intaasi hadalkiisa kusii daray xilli la dilaayay Askarta in ay ku jireen Xarun timaha  lagu jarto oo ay Canshuur ka qaadaayeen.

Goobata ayaa waxaa ka baxasaday ragii dilka geestay iyadoo ay soo gaareen ciidamada dowlada fadaraalk soomaliya ayna kabilaabeen howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment