3330 Views

Qaradx Ka Dhacy Muqdisho

Qaradx Ka Dhacy Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  30, 2017— Qarax Miino ayaa kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM waxaa lagula eegtay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta QARANIMO.COM u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxa oo dhacay saakay Abaare 08:00 Subaxnimo ayaa waxaa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka ka akdhow halkaasi oo ay ka mid yihiin Hodan, Yaaqshiid iyo Deyniile.

Dadka degaanka ayaa QARANIMO.COM u sheegay Qaraxa in lagu aasay wadada dhinaceeda uuna haleelay mid ka mid ah kolonyadii ay wateen Ciidanka AMISOM, balse ilaa hada aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Ciidanka AMISOM.

“Mar Qura ayaan maqalnay jug xoogan, oo Qarax Miino u ekeyd, taasi oo ka dhacday wadada Warshadaha, cabaar kadib waxaan ogaanay in lala eegtay Ciidamada AMISOM, kadib waxaan maqalnay Rasaas fara badan oo ay fureen Ciidanka AMISOM”. Waxaa sidaasi QARANIMO.COM u sheegtay Gabar ka tirsan dadka degaanka.

Ururka Al-shabaab ayaa Qaraxyada nuucaan oo kale ah waxa ay Ciidanka AMISOM kula eegtaan wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo inta badan ay istcimaalaan Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment