3648 Views

Wasiir Bayle oo magaalada Baydhabo ka dhagax dhigay dhismaha wado laami ah

Wasiir Bayle oo magaalada Baydhabo ka dhagax dhigay dhismaha wado laami ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 09, July, 2016….Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle iyo wafti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo halkaas ku dhagax dhigay wadamo laami oo dharerkeedu gaarayo 3.5km.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha wadadaan ayaa waxaa bixinaya Bangiga Aduunka waxaana lasoo marsiiyey lacagta ku baxaysa Mashruuca SSF, oo hoostimaada Wasaaradda Maaliyadda, taas oo shaqadeedu tahay dhismaha wadooyinka iyo dayactirka xarumaha dowladda.

Wasiir Bayle ayaa markuu gaaray Baydhabo kulan la qaatay madax ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in maanta ay u tahay maalintii ugu horaysay oo uu yimaado magaaladd halkaan,

“Waxaan kala kulmay magaalada soo dhaweyn balaaran, waana markii iigu horeysay oo aan imaado, waxaana farxad ii ah in imaatinkayga ay qayb ka tahay furitaanka wado laami ah oo gaaraysa 3.5km, waxayna bilwo u tahay mashaariic badan oo wasaaradu maaliyaddu ka fulinayso magaaladda Baydhabo iyo magaalooyinka kale ee gobolka’ ayuu yiri Wasiir Bayle oo dhanka kale xusay in lacagta wax lagu dhisayo ay nasiiyeen wadamo kale balse lagma maarmaan ay tahay inaan isku tashano oo aan dhisano waxkastaoo dalkaan u baahan yahay, waana inaan iskaa waxu qabso dalkaan ku dhisnaa”

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ee KG ayaa dhankiisa uga mahadceliyey waftiga dowladda imaatinkooda Baydhabo, kuna tilmaamay dhismaha kaabayaasha dhaqaaluhu in ay wax weyn k abadalayaan nolosha dadka, Baydhabana ay tahay xarunta halbowlaha u ah horumarka ka hana qaada goboladaan.

bayle-Baydhabo_5 bayle-Baydhabo_3 bayle-Baydhabo_8 bayle-Baydhabo_7 bayle-Baydhabo_2 bayle-Baydhabo_4 bayle-Baydhabo_6

.

.

.

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment