2484 Views

Dad gubeen funaanado uu ku sawirnaa Madaxweyne Museveni oo la xirxiray

Dad gubeen funaanado uu ku sawirnaa Madaxweyne Museveni oo la xirxiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL| 18 — Julay –2017– Warar naga soo gaaray magaalada Kampala ayaa sheegaya in Booliska dalka Uganda ayaa xabsiga u taxaabay  dad lagu eedeeyay in ay gubeen funaanado uu ku sawirnaa Madaxweyne Yuweri Museveni.

Daily Monitor, ayaa daabacday in dadkan ay ka soo horjeedeen dowlada Uganda iyagoo banaanbax ka dhigey magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Shacbigaan ayaa ka banaanbaxayay qorshe la doonayo in wax loogaga bedelo dastuurka dalka Uganda, waxaana ka mid ah qorshe la doonayo in loogu oggolaado in markii lixaad uu isu soo sharaxo xilka madaxtinimada dalkiisa sanadka 2021 xilligaa oo ay da’adiisu gaari doonto Museveni 75 sano oo ah da’ada uu qorayo sharciga Uganda ee ah xadka da’ada Musharaxa Madaxweynaha dalka Uganda. Waa sida Dastuurkooda uu qabo.

Daily Monitor, Wargayska lagu magacaabo, ayaa daabacay in dadka banaanbaxayay ay ku qeylinayeen “Ha baxo Museveni,waqtigiisu wuu dhamaaday.” Iyo ereyo kale oo kuwaas la mid ah.

.download (39)

.

W/Q:- Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment