4140 Views

Shirka Ay Soo Agaasintay Wasaarada Qorshaynta Qaranka Oo Muqdisho Ka Furmay

Shirka Ay Soo Agaasintay Wasaarada Qorshaynta Qaranka  Oo Muqdisho Ka Furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 25  Luulyo 2017 – Shirkani oo u dhexeeya wasaaradaha qorsheynta Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadlayo  arrimaha dabagalka qorshaha qaranka.

,Waxaa si rasmi ah u furay shirkaasi wasiirka qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Jamaal Max’ed Xasan oo sheegey in muhiim uu u yahay shirkaasi Arrimaha qorshah Qaranka iyo sidii dabagal  loogu sameyn lahaa.

Shirkan waxaa lagu soo bandhigayaa xeer ka hadlaya habka qiimeynta iyo dabagalka qorshaha Qaranka ee loo sameeyay dalka kaasi oo ay hormuud ka tahay wasaaradda qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waa muhiim in aan  qiimeyn iyo dabaglo ku sameyno qorshaha Qaranka, waxaa lagu saleynayaa mashaariicda horrumarineed ee dalka laga fulinayo mid ay la socoto Dowladda Soomaaliya” sidaasina waxaa yiri wasiirka qorsheynta Dowladda Soomaaliya.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment