3150 Views

Madaxweynihii hore ee Putlaand oo ka horyimid…

Madaxweynihii hore ee Putlaand oo ka horyimid…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 27, 2017—Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland ahna xildhibaan ka tiran Aqalka Sare ee dalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan (Faroole) ayaa hadal uu ka jeediyay magaalada Garowe waxa uu si adag uga hadlay in la furo Baarlamaanka Puntland, iyadoo la wado qorshe lagu doonayo qancinta tabashada qaar ka mid ah beelaha.

Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) Madaxweynihii hore e Puntland ayaa sheegay in Dastuurka Puntland uusan ku dhisneyn qabiil balse uu ku dhisan yahay nidaam degaan ama demooyin.

Wuxuu ugu baaqay madaxda xukuumadda Puntland iyo odayaasha la sheegay in tabasho ka muujinayaan tirada ay ku leeyihiin kuraasta xildhibaanada Puntland in ay ka waantoobaan arrintaas.

Shir Madaxeynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu ka furay magaalada Garowe ayaa la shaaciyay in Dastuurka wax ku bedel loogu sameynayo, taasi oo si aad ah uga careysiisay Madaxweynihii hore ee Puntland (Faroole).

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment